Home Wararka Caalamka Iran oo weerarada ugu badan ka gaysatay dalka Bahrain

Iran oo weerarada ugu badan ka gaysatay dalka Bahrain

by Laacib

Ciidamada Iran ayaa weerarada ugu badan ka gaystay dalka Carbeed ee Bahrain, marka loo eego weerarada kale ee ay ka gaysanayaan wadamada Khaliijka iyo kuwa kale ee Carabta ee ku yaala Bariga Dhexe, isla-markaana uu Mareykanku saldhigyada ku leeyahay.

Ciidamada Iran ayaa shalay illaa xalay si joogta ah u garaacayay bartilmaameedyo ku yaala dalkaasi, oo ay ku jirto Caasimadda Manama.

Militariga Iran ayaa beegsaday Saldhigga Ciidanka Badda Mareykanka ee NSA Bahrain ee Manama, iyadoo weerarkan uu muujiyay daldaloolada dhanka difaaca cirka ah, oo walaac gelineysa Washington iyo xulafadeeda Bariga Dhexe.

Muuqaalada la isku la wadaagay barraha bulshada ayaa laga arki karay gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran oo garaacaya aagga uu saldhiggu ku yaalo.

Iran ayaa tan iyo markii Sabtidii uu dagaalku qarxay bartilmaameedsatay goobo ay ku jiraan daaro dhaadheer oo la degan yahay oo ku yaala dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Iran ay u badan inay Bahrain u aragtay bartilmaameed sare. Falcelinta mar kasta Bahrain ee dagaalka la qiyaasayay in uu dhici karo ayaa ahayd mid aan soo gaareen dhegaha dadka.

Bahrain ayaa la aaminsan yahay in aysan diidmo ka muujin in hawadeeda uu Mareykanka kaga duulo Iran, iyadoo dalalka kale ee gobolka oo idil ay diideen in hawadooda loo adeegsado weerarada Iran.

Tallaabadan ayaan dadka la yaab gelin, sababtu tahay in Bahrain ay bishii December ee sanadkii 2023 ay ogolaatay inay ka mid noqoto isbahaysi 10 dal ah oo Mareykanku uu dhisay, si looga hortago gantaalaha Xuutiyiinta Yemen ee ka dhanka ah Israel. Bahrain waxay xilligaasi noqotay dalka qura ee gobolka ee xubin ka noqda isbahaysigaasi.

Ka hor dagaalka Sabtidii ka bilowday gobolka, isbahaysiga caalamiga ah ee Mareykanka uu hoggaamiyo ayaa waxaa Bahrain ka joogay shaqaale gaaraya ku dhawaad toban kun, oo isugu jira militari iyo rayid, inkastoo qaarkood laga daadgureeyay dalkaasi, tani oo loo maleynayo inay ka dambeysay, ka dib markii isbahaysigu uu helay digniino ku saabsan in si xoogan loo garaaci doono.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaan illaa iyo hadda wax war ah ka soo saarin khasaaraha ay gaysteen duqaymaha Iran.

Boqortooyada Bahrain ayaa xalay fiidkii dadka uga digtay in ay muuqaalo ka qaadaan goobaha la weerarayo, tallaabo adagna laga qaadi doono cid kasta oo muuqaaladaasi soo dhigta barraha bulshada.

Warbaahinta maxaliga ayaa ku warantay in laamaha amniga ay xabsiga u taxaabeen laba qof oo digniintaasi ka dhega-adeygay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc