Home Wararka Caalamka Askar American ah oo lagu dilay weerar ay Iran ka gaysatay Kuwait

Askar American ah oo lagu dilay weerar ay Iran ka gaysatay Kuwait

by Laacib

Militariga Mareykanka ayaa qirtay in saddex ka mid ah askartooda lagu dilay dalka Kuwait, ka dib markii Iran ay weerartay saldhig militari oo ku yaala dalkaasi.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in saddex askari ay kaga dhimatay, shan kalena ay kaga dhaawacmeen weerarkaasi oo dhacay Axaddan.

Taliska aaya sheegay in askartan ay qayb ka ahaayeen cutubyada joogteynta ciidamada ee fadhigoodu yahay Kuwait.

Taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa saakay ka digay in la beegsan doono dhammaan Saldhigyada Militariga Mareykanka ee Bariga Dhexe.

Taliska ayaa galabtana bayaan ku sheegay in gobolku uu noqon doono xabaalaha Ciidamada Mareykanka, waxaana bayaanka lagu xusay in duqaymaha ka dhanka ah ciidamadaasi ay galeen marxalad cusub.

Iran ayaa waxay waddaa weeraro ay kaga aargudaneyso dilka ay Mareykanka iyo Israel Sabtidii u gaysteen Hoggaamiyihii ruuxiga ee dalkaasi, Ayatollah Ali Khamenei, siyaasiyiin iyo weliba saraakiil ciidan.

Iran ayaa dalalka Carabta iyo Israel ka waddo, waxa lagu sheegay aargoosi aan horey loo arag.

Gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran ayay wararku sheegayaan in ay ruxayaan goobo badan oo gobolka ah.

Dagaalkan dib uga soo cusboonaaday Bariga Dhexe ayaa sababay hakad ku yimid safaradii hawada iyo shixnadaha shidaalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc