Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si adag u cambaareysay weerar waaberigii hore ee saaka ay sheegtay in Dowladda Federaalka ay ku qaadday Xildhibaanada deegaanada Puntland ku metela Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya, kuwaas oo ay sheegtay in lagu weeraray Hotel Airport oo ku yaala Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Puntland ayaa waxay sidoo kale cambaareysay afduub ay sheegtay in loo gaystay La taliyaha Madaxweynaha Puntland ee Arrimaha Bulshada, Axmed Cabdi Hurre.
“Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay si weyn u cambaareynaysaa weerarka saaka (03:00am) Dowladda Federaalka Somaliya ku qaadday Xildhibaanada Puntland ku metela Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya ee ku sugan Hotel Airport (Muqdisho) iyo afduubka loo gaystay La taliyaha Madaxweynaha Puntland ee Arrimaha Bulshada, Mudane Axmed Cabdi Hurre.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay “Falkan waa mid ugub ku ah dowladdnimada, iyadoo aan sifo sharci ah loo soo marin oo uusan jirin wax dembi ah oo ay gaysteen. Waxaa Hotel AirPort loogu daatay Xildhibaanada iyo Senatorada Puntland, waxaa halkaasi ka dhacay jirdil iyo afduub. Wax kasta oo ka dhasha falkaasi foosha xun waxaa masuuliyaddeeda qaadeysa Dowladda Federaalka ah ee Somaliya.”
Xildhibaan Sadaam Maxamuud Cabdi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Hotel Airport lagu soo weeraray iyagoo Xildhibaano qaran ah.
“Waa nala soo weeraray annagoo Xildhibaano qaran ah, waana nala laayay. Axmed Cabdi Hurre baa la afduubtay.” Ayuu yiri Xildhibaan Sadaam Maxamuud oo sheegay in weerarku uu dhacay waqtigii saxuurta.
Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa qoraal ku sheegay in ciidamadu ay soo qabteen Axmed Cabdi Maxamuud Hurre, kaas oo ay ku eedeeyeen inuu ku howlanaa falal amniga lid ku ah, baaritaana uu ku socdo. Booliska ayaana soo bandhigay sawirka Hurre oo nin oday ah.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada amniga ay u gacan qaadeen xubno ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka, ka dib markii ay ka horyimaadeen in ay xiraan ninka odayga ah.
Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaan illaa iyo hadda ka hadlin eedeynta loo jeedinayo ee ku saabsan in ay jirdileen Xildhibaano.
Dhacdadan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo maanta lagu wado in Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka ay ansixiyaan wax ka bedelka lagu sameeyay shan cutub oo Dastuurka Dowladda Federaalka ah.