Mareykanka iyo Israel ayaa maalintii shanaad sii wada weerarada ay ku hayaan dalkaasi Iran, iyadoona dagaalku uu u muuqdo mid sii xoogeysanaya.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay in uu Ciidamada Mareykanka ku amray inay si toos ah ugu biiraan weerarada ay Israel ka fulineyso dalkaasi.
Aqalka Cad ayaa duulaanka ka dhanka ah Iran u arka mid lagama maarmaan u ah in la burburiyo gantaalada ballaastikada ah ee ay haysato iyo in laga hortago in Tehran ay noqoto awood hub nuclear ah.
Militariga Mareykanka iyo Israel ayaa sheegay in ay beegsanayaan meelaha ay Iran ugu kaydsan yihiin gantaaladeeda iyo uranium-ka laga sameeyo madaxyada nuclear-ka.
Labada dal ayaa Talaadadii garaacay Xarunta Golaha Khubarada Iran ee Magaalada Qom, iyadoona tirada dhimashada ee dalkaasi, tan iyo Sabtidii ay gaartay 787 qof.
Iran ayaa dhankeeda qaadeysa weeraro hor leh oo ay uga aargudaneyso duulaanka ku socda, si aanay cadowgeedu ugu arag qaran aan is difaaci karin, waxaana Tehran ka dhaadhacsan in dagaalku uu sharaf yahay.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Iran ay xalay weerar drone ah ku qaadeen Xarunta Qunsuliyadda Mareykanka ee Magaalada Dubai. Xafiiska Warfaafinta ee Maamulka Dubai ayaa sheegay in la demiyay dab ka kacay meel u dhow Qunsuliyadda, isla-markaana aanu jirin wax dhaawac ah oo ka dhashay weerarka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada Iran ay isla xalay weeraro cusub ku qaadeen bartilmaameedyada Mareykanka ee gobolka iyo weliba gudaha Israel.
Dhanka kale Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu diyaar u yahay in Ciidankiisa Badda uu geeyo aagga, si ay Marinka Hormuz uga gudbiyaan maraakiibta shidaalka.
Taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa Isniintii ku celiyay in uu xiran yahay marin biyoodka Hormuz, markab kasta oo isku daya in uu marana ay gubi doonaan.
Caqabad dhanka marinka saliidda oo weyn ayaa ka jirta Bariga Dhexe, iyada oo Ciraaq ay ku biirtay dalalka gobolka ee hakiyay dhoofinta wax soosaarkooda tamarta.
Dagaalkan ayaa uga sii daraya colaadda muddada dheer ka jirtay gobolka.