Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan afur ah ku maamuusay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, kuwaas oo shalay ansixiyay wax ka bedelka iyo dhameystirka lagu sameeyay Dastuurka Jamhuuriyadda.
Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada uga mahadceliyay dadaalka, dulqaadka iyo masuuliyadda ay muujiyeen, muddadii ay ku howlanaayeen dhameystirka Dastuurka Qaranka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in guushan ay tahay tallaabo taariikhi ah oo xoojineysa dowladnimada, midnimada iyo nidaamka dimoqraadiyadeed ee dalka, isaga oo adkeeyay in dastuurka la dhameystiray uu saldhig u noqon doono dhismaha hay’adaha dowliga ah, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo horumarinta nidaamka dowladnimo ee ku dhisan sharciga iyo isla xisaabtanka.
Waxa uu ku booriyay Xildhibaanada iyo dhammaan Hay’adaha Dowladda Federaalka in ay sii xoojiyaan wada-shaqaynta, si loo xaqiijiyo dowladnimo dhameystiran oo ka tarjumeysa rabitaanka iyo mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed.
Dastuurka cusub ayaa hadda horyaalla Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana Madaxweynaha laga sugayaa in uu saxiixo.
Haddii Madaxweynuhu uu saxiixo ayaa wuxuu noqon doonnaa mid sharci ah oo dalkana lagu maamulo, walow ay ka biyo diidan yihiin danleyda siyaasadda dalka, oo ay ku jiraan Siyaasiyiinta Mucaaradka ee ka soo horjeeda siyaasadda Villa Somalia iyo weliba Puntland iyo Jubbaland.


Screenshot
