Home Dhacdooyin Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo sheegay in Baarlamaanka uu 5 sano shaqayn doono

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo sheegay in Baarlamaanka uu 5 sano shaqayn doono

by Laacib

Gudoomiyaha Gobolka Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ku dhawaaway in muddo xileedka Baarlamaanka 11aad uu yahay shan sano, ka dib markii Xildhibaanada Labada Aqal ay Arbacadii ansixiyeen dastuurka cusub ee Dowladda Federaalka.

Baarlamaanka 11aad ee hadda shaqeynaya oo lagu soo doortay Dastuurka KMG ee la bedelay ayaa jideynayay in muddo xileedkiisu uu yahay afar sano, oo ka bilaabaneysa waqtiga Xildhibaanada Labada Aqal la dhaariyay, oo ah 14-kii bishii April ee 2022, kuna eg 14-ka bisha April ee sanadkan 2026.

Hase yeeshee Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Baarlamaanka uu shaqayn doono, muddada uu ogol yahay dastuurka cusub ee la meelmariyay oo shan sano ah.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa hadalkiisa laga dhadhansan karay in Baarlamaankan oo muddo xileedkiisu uu geba-gabo yahay uu la jaan-qaadi doono dhaqangelinta dastuurkan, oo wax ka bedelkiisa si weyn la isugu khilaafsan yahay. Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dowladda Federaalka, Jubbaland iyo Puntland ayaa qaadacay in ay ogolaadaan in dastuurka cusub uu dhaqangal noqdo.

“Baarlamaanka wuxuu shaqayn doonnaa inta uu tilmaamay dastuurka hadda la ansixiyay ayuu joogi doonnaa. Dastuurkii Ku-meel-gaarka ahaa ma ahan yaah, dastuurka rasmiga ah inta uu tilmaamay ayay Baarlamaanka iyo hay’adaha dastuuriga ah shaqayn doonaan.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo caawa ka hadlayay kulan afur ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u sameeyay Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka.

Gudoomiyaha oo sii hadlayay ayaa yiri “Kalfadhiyada noo harsan shuruuc kale oo muhiim ah oo hadda laga gaari waayay iyo waxyaabo kale oo dowlad dhiska ka mid ah ayaan fadhiyada noo harsan samayn doonnaa.”

Aadan Madoobe ayaa sheegay in Xildhibaanadu ay Arbacadii shalay fasax galeen, si ay u soo nastaan, maadaama sida uu yiri ay waqti dheeraad ah shaqeynayeen, waqtigooda fasaxa ka dibna ay dib shaqada ugu soo laaban doonaan.

Aadan Madoobe ayaa intaasi ku daray in Xildhibaanadii la ganaaxay ay la mid yihiin Xildhibaanada kale, wuxuuna ugu baaqay in iyana ay shaqada ku soo laabtaan, fasaxa ka dib.

“Fadhiga soo socdo hal qof inuu naga maqnaado ma rabno, waxaana leenahay idiinkana imaada imaada, ganaaxiinna waa dhamaaday, dastuurkiina waa la ansixiyay, idiinkana imaada ayaan leenahay walaalayaal, wax naga halaysana ma jiraan.” Ayuu yiri Aadan Madoobe.

Dhanka kale Aadan Madoobe ayaa Siyaasiyiinta Mucaaradka ugu yeeray in aysan ka horimaan dastuurka cusub, haddii kalena loo aqoonsan doono in ay Qaranimada Somaliya diidan yihiin, wuxuuna xusuusiyay in musharax kasta uu doorashadii hore ku ololeynayay in uu dhameystiri doono dastuurka dalka, tiiyoo uu sheegay in Madaxweynaha talada haya uu ku guuleystay, sabab ay u diidi karaana aysan jirin.

Aadan Madoobe ayaa carabka ku adkeeyay in aanu dastuurkan noqon doonin mid meel iska yaala, waxaana uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku booriyay in la dhaqangeliyo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc