Home Wararka Caalamka Askarta Mareykanka looga dilay dagaalka oo meydadkooda la geeyay dalkooda (SAWIRRO)

Askarta Mareykanka looga dilay dagaalka oo meydadkooda la geeyay dalkooda (SAWIRRO)

by Laacib

Diyaarad militari ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii meydadka askartan gaysay garoon diyaaradeed, oo ay leeyihiin Ciidanka Cirka Mareykanka oo ku yaala Magaalada Dover ee Gobolka Delaware.

Garoonka ayaa waxaa ku sugnaa qoysaska askarta meydadkooda dalka lagu soo celiyay oo tiradooda lagu sheegay lix askari, iyadoona Madaxweyne Donald Trump, Madaxweyne Kuxigeenka JD Vance iyo masuuliyiin kale ay goobjoog ka ahaayeen munaasabadda lagu soo wareejiyay meydadka askarta. Mareykanka ayaa munaasabad sharafeed wareejin ah u sameeya, marka askarta lagu dilo meel ka baxsan dalkaasi. Wareejin sharafeedka waa kolka meydadka askarta lagu soo celiyo gudaha Mareykanka.

Askartan ayaa meydadkooda laga soo dejiyay diyaaradda, iyadoo lagu wado naxash uu ku dahaaran yahay Calanka Mareykanka, waxaana la arkayay Madaxweyne Trump iyo Kuxigeenkiisa oo salaan sharafeed siinaya.

Militariga Mareykanka ayaa toddobaadkii hore sheegay in askartan lagu dilay duqayn ay Iran ka gaysatay saldhig militari oo ku yaala Kuwait.

Mareykanka iyo Israel ayaa 28-kii bishii February bilaabay inay garaacaan bartilmaameedyada ku yaala dalkaasi Iran, taasoo keentay in Iran ay si degdeg ah uga jawaabto, dagaalkuna uu ku fido inta badan dalalka kale ee Bariga Dhexe.

Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka ayaa 1-dii bishan ku hanjabay in Mareykanku uu u aargudi doono dilka ay Iran u gaysatay askartaasi.

Ciidamada Mareykanka iyo Israel ayaa sii wada duulaanka hawada ee Madaxweyne Trump iyo Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ay sheegeen in ay is bedel kaga samaynayaan dalkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc