Home Wararka Caalamka Israel oo garaacday xarun shidaal oo ku taala Tehran (SAWIRRO)

Israel oo garaacday xarun shidaal oo ku taala Tehran (SAWIRRO)

by Laacib

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa xalay garaacay xaruntan oo shidaalka lagu kaydinayay, kuna taala Magaalada Tehran ee dalkaasi Iran.

Qaraxyo ayaa laga maqlay dhinaca koonfureed ee magaalada oo xaruntan ay ku taalo, ka hor inta aanu dab weyn ka kicin goobta.

Wakaaladda Wararka Fars ee Iran laga leeyahay ayaa bilowgii baahisay in la garaacay xarun shidaalka lagu kaydiyo oo ku taala koonfurta Tehran.

Taliska Militariga Israel ayaa goor dambe oo xalay ahayd sheegay in Ciidanka Cirka Israel ay weerareen dhowr dhisme oo shidaalka lagu kaydiyo, kuna yaala Tehran.

Taliska ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in weerarkan oo mid muhiim ahaa ay ku burburiyeen haamaha shidaalka ee Tehran, oo Dowladda Iran ay ku eedeeyeen inay u adeegsaneysay kaabeyaasheeda militari.

Dab xoogan ayaa cirka isku shareeray Magaalada Tehran, ka dib markii weerarka xagga cirka ah lagu qaaday keydka weyn ee shidaalka ee magaaladaasi.

Wakaaladda Wararka Iran ee IRNA ayaa sheegtay in xarunta shidaalka lagu bartilmaameedsaday weeraradii ugu dambeeyay ee cadowga. IRNA ayaa ku warantay in xarunta la garaacay ay ku tiilay meel u dhow warshad saliidda sifeysa, isla-markaana aanu weerarku wax khasaare ahi ka soo gaarin warshaddaasi.

Weerarka ayaa imanaya saacado yar uun ka dib, markii ay Militariga Israel ku dhawaaqeen in uu bilowday weerar ballaaran oo ka dhan ah Magaalada Tehran.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc