Waxaa sii kordhaya weerarada Mareykanka iyo Israel ay ka gaysanayaan gudaha Iran, iyadoo dhinaca kalena ay Iran sii waddo duqaymaha ay kaga aargudaneyso duulaanka lagu hayo.
Dhinacyada ayaa xalay oo dhan waday weerarada ay is dhaafsanayeen, illaa uu waaga dilaaco, waxaadna arki kartaa in labada dhinacba ay ku adkeysanayaan in ay ku sii socon doonaan waddada dagaalka.
Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa xalay duqayn culus ka gaystay Magaalada Tehran, iyadoo Ciidanka Cirka Israel ay gubeen xarun shidaalka lagu kaydiyo oo ku tiilay koonfurta magaaladaasi.
Iran ayaa dhankeeda waxay weeraro ku qaadday Magaalooyinka Tel Aviv iyo Qudus-ta la haysto, halkaas oo laga maqlay seeriga digniinaha ee duulaanka hawada.
Ciidamada Qalabka Sida ee Iran ayaa sidoo kale waxay xalay garaaceen bartilmaameedyada qaar ee Mareykanka uu ku leeyahay dalalka Khaliijka, oo ay ku jiraan Bahrain iyo Emirate-ka Carabta.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran ayaa waaberigii hore ee saaka beegsaday haamaha shidaalka ee Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kuwait.
Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Kuwait, Saud Abdulaziz Al-Atwan ayaa sheegay in Ciidamada Qalabka Sida ay la tacaaleen raxan diyaarado drones ah, oo ku soo xadgudbay sida uu yiri hawada dalka.
Afhayeenka ayaa sheegay in weerarka lala beegsaday haamaha shidaalka ee Garoonka Diyaaradaha Kuwait, isagoona weerarka ku sifeeyay mid si toos ah loogu soo qaaday kaabeyaasha rayidka ee dalkaasi.
Dagaalka ayaa maanta galay maalintii sagaalaad oo si xiriir ah uu u socdo. Madaxweyne Donald Trump ayaana diiday in uu tixgeliyo baaqyada loogu jeedinayo in dagaalka la joojiyo.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa Sabtidii wacad ku maray in ay si adag u garaaci doonaan Iran, illaa ay ka xaqiijinayaan guusha dagaalka.
Trump ayaa Jimcihii ku hanjabay in aysan joojin doonin dagaalka ka dhanka ah Iran, isla-markaana aysan wax heshiis ah geli doonin, illaa ay Tehran is dhiibto.
Trump ayaa Sabtidii Wariyeyaasha u sheegay in ay samayn doonaan wax kasta, oo ay ku gaari karaan hadafkooda dagaalka, oo ah in ay meesha ka saaraan nidaamka ka arrimiya Iran iyo in la wiiqo awoodda militari ee ciidamada dalkaasi.
Trump ayaa ku goodiyay in weerarada ka dhanka ah Iran ay sii xoogeysan doonaan isbuucaan, isla-markaana ay si xiriir ah u duqayn doonaan bartilmaameedyada ku yaala dalkaasi.
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa isna xalay sheegay in ololahooda militari ee Iran ay si buuxda u sii socon doonaan.
Raysal Wasaare Netanyahu ayaa sheegay in isbahaysiga Mareykanka iyo Israel uu ka xoogan yahay sidii hore, isla-markaana ay Israel bedeli doonto wejiga Bariga Dhexe.
“Waxaan bedelaynaa wejiga Bariga Dhexe, laakiin taasi keliya ma ahan, waxaan bedelaynaa nafteenna.” Ayuu yiri Netanyahu oo intaasi ku daray “Ka dib October 7-deedii 2023, waxaan go’aansaday in aan hoggaamiyo is bedelka cirifka, inaan samayno ficilo si weyn u bedelaya dheelitirka awoodda ee annaga iyo cadowgeenna.”
Netanyahu oo ku faanay taageerada hagar la’aanta ee Mareykanka ayaa sheegay in Israel ay u xusul siibaneyso inay noqoto awood goboleed.
Dhanka kale Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian ayaa Trump ku gacan seyray in dalkiisu uu is dhiibo, taasi bedelkeedana ay ka door bidayaan inay dagaalamaan.
Madaxweynaha Iran ayaa wax riyo ah ku tilmaamay dalabka Trump, ee ah in ay isa soo dhiibaan.
Madaxweyne Pezeshkian ayaa Sabtidii ka cudurdaartay weerarada ay ka gaysteen dalalka Khaliijka, isla-markaana ay weerarada ka joojin doonaan, balse haddii laga soo weeraro ay ka jawaabi doonaan.
Madaxa Golaha Amniga Qaranka ee Iran, Ali Larijani ayaa sheegay in Mareykanka uu ku guuldareystay yoolkii uu ka lahaa Iran, isla-markaana ay u maleynayeen in ay qalqal ka abuuri doonaan dalkaasi, ka dib dilkii ay iyaga iyo Israel u gaysteen hoggaamiyihii ugu sarreyay ee dalkaasi, Ayatollah Ali Khamenei, wuxuuna sheegay inay dib ka xaqiiqsadeen inay taasi mala awaal ahayd.
Larijani ayaa wax nacasnimo ah ku sheegay rabitaanka Trump ee ku saabsan in uu isaga soo magacaabi doono hoggaamiyaha mustaqbalka ee Iran.
Larijani ayaa xalay xoojiyay farriinta Madaxweyne Pezeshkian ee ku aaddan in aan la weerari doonin dalalka deriska ee Carbeed, illaa iyo inta aysan ogolaan in dhulkooda loo adeegsado weerarada Iran.
Hoggaamiyeyaasha Golaha Khaliijka ayaa Trump ku cadaadinaya in tallaabooyinka militari lagu bedelo wada hadalo diblomaasiyadeed, si loo gaaro heshiis lagu soo afjarayo colaadda, tiiyoo uu Trump ka caga jiidayo.
Wadamada Khaliijka iyo kuwa kale ee Carabta ayaa dhexda u galay quwadaha ku dagaalamaya gobolka oo Mareykanka uu hormuud u yahay, waana Mareykanka oo ah xulafada ugu weyn ee ay leeyihiin.