Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay dastuurka cusub ee la mucaaraday

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay dastuurka cusub ee la mucaaraday

by Laacib

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Axaddan saxiixay dastuurka cusub ee ay Arbacadii wax ka bedelkiisa ansixiyeen Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Madaxweynaha ayaa nuqulka rasmiga ah ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka ku saxiixay munaasabad ka dhacday Madaxtooyada Qaranka, isla-markaana ay goobjoog ka ahaayeen Gudoomiyeyaasha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Saxiixa Madaxweynaha ayaa Dastuurka Dowladda Federaalka ka dhigaya mid sharci ah oo dalkana ay tahay in lagu maamulo, inkastoo uu buuq weyn ka taagan yahay habka loo maray dhameystirkiisa.

Danleyda siyaasadda dalka oo ay qayb ka yihiin Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dowladda Federaalka, Jubbaland iyo Puntland ayaa wacad ku maray in aanay ogolaan doonin in la bedelo Dastuurkii KMG ee la sameeyay sanadkii 2012.

Waxaa la filayaa in uu xoogeysan doono khilaafka ka taagan ansixinta Baarlamaanka iyo saxiixa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee dastuurka lagu muransan yahay, marka aad eegto in Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe uu habeenkii Khamiista ku dhawaaqay in muddo xileedka Hay’adaha Dowladda Federaalka uu shan sano yahay, waana xilli waqtigoodu uu geba-gabo yahay, isagoona xusay in sanad dheeraad ah ay sii shaqayn doonaan.

Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka 11aad ayuu waqtigoodu ku egyahay 14-ka bisha April ee sanadkan, halka muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku egyahay 15-ka bisha May.

Hay’adaha dastuuriga ah ee hadda shaqeynaya oo Baarlamaanka iyo Madaxtooyada ay ku jiraan ayaa lagu soo doortay Dastuurka KMG ee haatan la bedelay, kaas oo ku caddaa in muddo xileedka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka 11aad uu afar sano yahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay munaasabadda saxiixa ee Dastuurka Qaranka ayaa sheegay in laga bilaabo maanta ay dowladdu dhaqangelin doonto dastuurka cusub ee dalka, isaga oo og in uu kala qaybsanaan hor leh dhaliyay.

Villa Somalia iyo mucaaradku waxay markii hore ka wada hadlayeen in laga heshiiyo nooca doorashada ee dalka laga qabanayo, haddase waxaa miiska ku soo labayn doono, horta ha laga heshiiyo dastuurka aan heshiiska lagu ahayn, taasna waxay keeni doontaa in doodda labada dhinaca ay jiitanto, waaba haddii mucaaradku ay ogolaadaan inay miiska wada hadalka soo fariistaan.

Waxay u muuqataa in haddii cadaadiska Beesha Caalamka uu shaqeeyo inay labada dhinac iska laabi doonaan doodda dastuurka, diiraddana ay saari doonaan in la dhameeyo khilaafka doorashada, tanina waxay ugu dambayn u gogol xaari doontaa in Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh loo sameeyo muddo kordhin cayiman oo heshiis lagu yahay, si ay dalka u gaarsiiso doorasho loo dhan yahay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc