Saldanada Cumaan ayaa cambaareysay duulaanka Mareykanka iyo Israel ay ku qaadeen Iran, kaas oo weli socda, isla-markaana saamayntiisa laga dareemay Gobolka Bariga Dhexe oo dhan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan, Badr Albusaidi ayaa Axaddii fara-gelinta militari ee Mareykanka iyo Israel ee ka dhanka ah Iran ku tilmaamay mid aan anshax ahayn oo sharci darro ah, isagoo sidoo kalena dhalleeceeyay weerarada aargoosiga ay Iran ka gaysaneyso dalalka deriska la ah.
Wasiirka ayaa wax laga xumaado oo aan la aqbali karin ku sheegay weerarada sii socda ee ay Iran ka gaysaneyso dalalka deriska, isagoona u muuqday mid dalalkaasi ka fogeynaya ku lug lahaanshaha dagaalka.
Wasiir Albusaidi ayaa dhammaan dhinacyada ugu baaqay in ay is xakameeyaan, in xabad joojin la sameeyo iyo in ay si degdeg ah ugu soo laabtaan miiska, si wada hadal diblomaasiyadeed loogu dhameeyo khilaafka.
Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Israel ayaa 28-kii bishii February bilaabay inay garaacaan bartilmaameedyada Iran, ka dib markii Washington ay ka baxday wada hadaladii ay kula jirtay Tehran ee la doonayay in heshiiska lagaga gaaro nuclear-ka Iran.
Madaxweyne Donald Trump ayaa bixiyay amarka ay Ciidamada Mareykanka ku weerareen Iran, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan uu sheegay in horumar la taaban karo laga gaaray wada-xaajoodka Mareykanka iyo Iran ay 26-kii February ku yeesheen Magaalada Geneva.
Albusaidi oo dhexdhexaadinayay saddexdii wareeg ee ugu dambeeyay ee wada hadaladii ay labada dhinac yeesheen ayaa maalin ka hor, inta aanu dagaalka qarxin sheegay in wada hadalo farsamo oo ay ku lug leeyihiin wakiilo heer hoose ah ay toddobaadyada soo socdo ka sii socon doonaan Magaalada Vienna, oo ah Xarunta Hay’adda Quwadda Atoomikada Caalamiga ah ee IAEA.
Abbas Araghchi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran ayaa xilligaasi, waxa uu isna sheegay in horumar laga sameeyay wada hadaladii u socday iyaga iyo Mareykanka.
Trump ayaa 19-kii February Iran u qabtay 10 illaa 15 maalmood, oo ay ku gaarto heshiis nuclear ah ama ay wajahdo, waxa uu ku sheegay waxyaabo xun xun.
Mareykanka iyo Israel ayaa si wadajir ah ugu duulay Iran, iyadoo aysan buuxsamin muddadii uu Trump u qabtay Dowladda Iran.
Ka dib hawlgalkii ay Israel iyo xulafadeeda Mareykanka ku dileen Ayatollah Ali Khamenei, dagaalka ayaa si dhakhsa ah ugu fiday illaa toban dal oo kuwa Carabta u badan.
Cumaan ayaa waxay ka mid tahay lixda dal ee Golaha Iskaashiga Khaliijka ee weerarada aargoosiga kala kulmaya Iran. Masuuliyiinta Iran ayaa horey uga digay in dhulka Carabta loo adeegsado weerarada ka dhanka dalkooda.
Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian ayaa Sabtidii ka cudurdaartay weerarada ay ka gaysteen Khaliijka, isla-markaana ay weerarada ka joojin doonaan, waxaase uu adkeeyay in haddii laga soo weeraro ay ka jawaabi doonaan.