Home Dhacdooyin Maraakiib shidaal oo lagu gubay Koonfurta Ciraaq

Maraakiib shidaal oo lagu gubay Koonfurta Ciraaq

by Laacib

Laba markab oo nooca shidaalka ayaa xalay lagu gubay meel u dhow Dekedda Al-Faw ee Koonfurta Ciraaq, iyadoo shalay illaa saddex markab oo nooca booyadaha ah lagu duqeeyay agagaarka Marinka Hormuz.

Muuqaalo laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya holac xoogan oo ka kacay labada markab ee lagu weeraray biyaha Ciraaq.

Afhayeen u hadlay Militariga Ciraaq oo lagu magacaabo General Saad Maan ayaa sheegay in mid ka mid ah shaqaalaha maraakiibta uu ku dhintay weerarkaasi, 38 kalena la soo badbaadiyay.

Afhayeenka ayaa sheegay in maraakiibtan oo laga leeyahay dalka dibaddiisa ay marayeen meel u dhow Dekedda Al-Faw, xilligii uu weerarku dhacayay.

“Maraakiibta saliidda ayaa lagu sameeyay fal fuleynimo ah.” Ayuu yiri Afhayeenka oo ay soo xigatay Wakaalada Wararka Ciraaq ee INA.

“Weerarku wuxuu ka dhigan yahay xadgudub lagu soo sameeyay madaxbannaanida Ciraaq.” Ayuu yiri General Saad Maan oo ka digay in Ciraaq ay qaadi karto tallaabo sharci ah, oo ay kaga aargudaneyso weerarkaasi.

Wakaaladda Wararka Reuters ayaa Sarkaal Ciraaqi ah ka soo xigatay in natiijada horudhaca ah ee baaritaanka ay muujineyso in weerarka loo adeegsaday doomo lagu soo raray walxaha qarxa.

Mid ka mid ah maraakiibtan oo lagu magacaabo SafeSea Vishnu ayaa waxaa laga leeyahay Mareykanka, halka kan kalena oo lagu magacaabo Zefyros waxaa la sheegaya in laga leeyahay Giriiga, inkastoo maraakiibtu ay ku safrayeen calamada dalal kale.

Arbacadii ayay ahayd, markii saddex markab oo kuwa shidaalka qaada ah lagu weeraray aagga marin biyoodka Hormuz.

Mid ka mid ah maraakiibtan oo watay Calanka Thailand, laguna magacaabo MAYUREE NAREE ayaa la sheegay in uu dab xoogan qabsaday, kaasoo shaqaalihii la socdayna lagu guuleystay in laga daadgureeyo, inkastoo saddex ka mid ah sida la sheegay la la’yahay.

Weerarada ay Iran kaga jawaabeyso duulaanka Mareykanka iyo Israel ayaa cawaaqib ku yeelanaya gaadiidka xamuulka badda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc