Dagaalka ay Ciidamada Mareykanka iyo Israel kula jiraan Dowladda Iran ayaa maanta galay toddobaadkii saddexaad, iyadoona xaalad cakiran ay ka jirto Bariga Dhexe iyo suuqyada caalamka.
Ciidamada Mareykanka iyo Israel ayaa 14-kii maalmood ee dambeeyay weerarayay bartilmaameedyada dalkaasi, halka Ciidamada Qalabka Sida ee Iran ay sii wadaan weerarada ay kaga jawaabayaan duulaanka lagu burburinayo kaabeyaasha waxtarka u leh shacabka dalkaasi.
Mareykanka iyo Israel ayaa ugu duulay Iran, si meesha looga saaro nidaamka ka arrimiya dalkaasi iyo in la wiiqo cududda Ciidamada Qalabka Sida ee Iran, taasna weli laguma guuleysan.
Xeel-dheereyaasha iyo khubarada amniga ayaa sheegaya in Madaxweyne Donald Trump iyo Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ay ku talagaleen in dhowr cisho gudahood lagu xaqiijiyo yoolasha dagaalka, laakiin wax aysan fileyn ay kala kulmeen Ciidamada Iran.
Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo Israel ayaa dhammaadkii bishii hore ee February duqaymo ku bilaabay dhulka Iran, wixii ka dambeeyayna dagaalka ayaa si xowli ah ugu fiday meelaha ka baxsan xuduudaha Iran.
Ka dib markii dagaalka uu ka qarxay gobolka, Ciidamada Iran ayaa qaaday, welina wada mowjado weeraro oo aargoosi ah, iyaga oo garaacaya bartilmaameedyada Mareykanka ee gobolka, deegaaanada Israel iyo xarumaha tamarta gobolka.
Gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran ayaa toddobaadkii koowaad ee dagaalka beegsaday Saldhigyada Militariga Mareykanka ee dalalka gobolka qaarkood iyo qaar ka mid ah Xarumaha Safaaradaha Mareykanka ee Bariga Dhexe, taasoo keentay in Washington ay xirto xarumaheeda diblomaasiyadeed ee gobolka, cabsi laga qabo in ay xoogeysan karaan beegsiga lagu hayo. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa shaqaalaha iyo diblomaasiyiinta Mareykanka ka daadgureysay dhowr iyo toban dal oo gobolka ah.
Daba-yaaqadii toddobaadkii hore ee dagaalka iyo toddobaadkii xigayba, Ciidamada Iran ayaa weeraradooda ka dhanka ah danaha Mareykanka ee gobolka ku biiriyay duqaymo lala eeganayo xarumaha wax soosaarka tamarta ee dalalka Carabta oo u badan kuwa Gacanka Khaliijka, taas oo jawaab u ah tuhunka Iran ee ku aaddan in ay dalalkaasi Mareykanka siinayaan saldhigyo qarsoodi ah oo uu u adeegsanayo duulaankiisa hawada ee dalkaasi.
Dagaalkan ayaa xaalad aad u khalafsan geliyay gobolka, waxaana qof kasta oo Bariga Dhexe ku nool uu dareemaya qalqalka amni ee ka dhashay dagaalka wejiyada badan ee ka sii socdo gobolka.
Dagaalka ayaa sidoo kale saamayn togan ku yeeshay dhaqaalaha caalamka, oo ay ugu horreyso shidaal yarida soo food-saartay suuqyada caalamka, oo ay ka jirto hubinti la’aan xagga tamarta ah iyo xiisad dhaqaale. Indhaha bulshada caalamka oo dhan ayaa eegaya marin biyoodka Hormuz, wuxuuna Hoggaamiyaha cusub ee Iran, Ayatollah Mojtaba Khamenei uu Khamiistii sheegay in uu sii xirnaan doono Marinka Hormuz. Muddada uu illaa iyo hadda xiran yahay Hormuz ayaa suuqyada caalamka ku keenay xasillooni darro dhaqaale iyo in wax kasta ay cirka isku sii shareerayaan. Sicirka saliidda aan fadhin ee suuqyada ayaa ah, waxa ay dadku ugu hadal haynta badan yihiin. Hubinti la’aanka sicirka saliidda iyo sahayda tamarta ee sii yaraaneysa ayaana ah halka ay dhibaatada ugu weyn ee dhaqaale ka imaan doonto.
Xaaladda ayaan sidaan ku sii socon karin, marka loo eego in dagaalka Bariga Dhexe uu fowdo gelinayo xasilloonida dhaqaalaha caalamka, oo haddii la waayo shidaal dabooli kara baahida jirta ay wax kasta istaagi karaan amaba ay dadku gaari karaan heer aysan waxba iibsan karin. Haddii uu dagaaalku sii socdo waxay saamayntiisa koowaad ay taabaneysaa dadka baabuurta wata, kuwaas oo ku khasbanaan doona in ay meel iska dhigaan, sababtu tahay waa inaysan awoodi doonin qiimaha aadka u badan ee shidaalka.
Isu socodka Marinka Hormuz oo la carqaladeeyo ayaa dhaawac weyn ku ah qiimaha lacagaha wax lagu kala iibsado, waxaana iska cad in dollarka Mareykanku uu lumin doono qiimihiisa. Dollarka Mareykanka ayaa ah lacagta ugu badan ee wax lagu kala iibsado.
Mar kasta oo wax lagu iibiyo qiimo ka badan intii hore, iyadoo waxa la iibinaayana uu intiisii uun yahay ayaa waxay keeneysaa in lacagtu uu qiimo beel ku yimaado. Haddii maanta kiilada bariiska suuqyada laga siiyo hal dollar, berrina lagu iibiyo laba dollar, isla-markaana uu qofku ku shaqeeyo mushaar aan ka badneyn intii hore ayaa ah halka uu dhaqaale burburka ka imanayo.
Marinka Hormuz ayaa nus qarnigii la soo dhaafay macno u lahaa jaangoynta sicirka, awoodda dollarka Mareykanka iyo sugnaanshaha in tamarta la wada heli karo. Marinkan ayaa ku yaala goobta ugu mashquulka badan ee ay ka gudbaan maraakiibta dunida.