Home Wararka Caalamka Dagaalka Mareykanka iyo Iran oo jahwareer ku riday Hoggaamiyeyaasha Carabta

Dagaalka Mareykanka iyo Iran oo jahwareer ku riday Hoggaamiyeyaasha Carabta

by Laacib

Madaxda wadamada Carabta oo ay qayb ka yihiin kuwa Gacanka Khaliijka ayaa la dhibaateysan, sidii ay mowqif adag uga qaadan lahaayeen dagaalka ka socdo Bariga Dhexe ee Mareykanka iyo Israel ay kula jiraan Iran.

Dalalka Carabta ayaa waxaa cawaaqib ku yeelanaya dagaalkan, oo aan kooda ahayn, iyadoo Mareykanka uu dhulkooda ka weerarayo Iran, falcelinta ka imaaneysana ay burbur ka dhaxlayaan.

Masuuliyiinta Iran waxay caddeeyeen inaanay iyagu wax dhibaato ahi kala dhaxeyn dalalka deriska, balse aan laga baaqsan karin in laga jawaabo, haddii dhulkooda laga soo weeraro.

Hoggaamiyeyaasha Carabta, gaar ahaan kuwa Khaliijka ayaa la sheegaya inaysan garaneyn go’aankii ay qaadan lahaayeen, waa marka koowaad’e inaysan lumin karin Mareykanka, oo ah xulafadooda ugu weyn ee dunida, taas cagsigeedana ma doonayaan inay sii socdaan weerarada uga imanaya dhinaca Iran ee gaysanaya burburka, isla-markaana carqaladeynaya ammaankooda.

Warbaahinta gobolka ayaa faaqideysa in Madaxda Khaliijka aysan wax niyad ahi u hayn in dalalkoodu ay si toos ah ugu biiraan dagaalkan, iyagoo ka baxsanaya in dagaalku uu sii ballaaran doono, natiijaduna ay hadhow noqon doonto mid aan la mahdin doonin.

Bishii February bilowgeedii, dhammaan dalalka gobolka, marka laga reebo Israel waxay qaateen mowqif isku mid ah, kaas oo ahaa inaanay taageeri doonin in lagu duulo Iran, waxayna dowladuhu ay si isku mid ah u sheegeen in aan hawadooda iyo dhulkoodaba loo isticmaali karin weerarada Iran.

Dalalka Carabta iyo garoomada Israel ayaa noqday meelaha uu Mareykanku illaa iyo hadda ka qaadayo duqaymihiisa ka dhanka ah dalkaasi, waana dalalka ay Iran sida adag ugu garaaceyso gantaaladeeda iyo diyaaradaheeda istiraatiijiga ah ee is qarxiya.

Israel wax dhibaato ahi kuma qabto in dhulkeeda uu Mareykanku ka weeraro Iran, oo iyada ayaaba dagaalkan soo gelisay, qaybna ka ah, laakiin dalalka kale ee Carbeed waxay ka gows-adeygeen in ay noqdaan aag lagaga duulo Iran.

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaan tixgelin diidmada xulafadooda Carabta, bilowgii dagaalka iyo illaa iyo haddana waxay dhulkooda ka weerarayaan bartilmaameedyada gudaha Iran.

Militariga Mareykanka oo garab siinaya Ciidamada Israel ayaa 28-kii bishii February bilaabay hawlgalka militari ee ku wajahan Iran, xilli Madaxda Bariga Dhexe ay cod dheer ku sheegayeen inaanan gobolka laga rabin dagaal.

Mareykanka oo ah isbahaysiga ugu weyn ee caalamiga ah ee tobanaan sano ka hor damaanad-qaaday amniga wadamada Gacanka Khaliijka ayaa ku guuldareystay in uu ka difaaco gantaalada iyo drones-ka Iran.

Hoggaamiyaha cusub ee Iran, Ayatollah Mojtaba Khamenei ayaa Khamiistii dalalka gobolka ugu baaqay inay caddeeyaan mowqifkooda garddarada Mareykanka iyo Israel ay ku hayaan dalkiisa.

Hoggaamiyaha ugu sarreya ee Iran ayaa dalalka deriska ugu yeeray inay iska saaraan Mareykanka, taasoo uu macnaheedu yahay inaysan nabad heli doonin, inta ciidamadiisa ay dhulkooda ku sugan yihiin.

Tani ayaa loo fasirtay inay sii jahwareerin doonto dalalka Carabta ee xuduudda dhulka iyo baddaba la leh Iran, marka loo eego in dalalka kale ee aan Carabta ahayn ee deriska la leh Iran aanay mushkilad weyn oo la arki karo ka jirin.

Carabta ayaa ah xulafo weyn oo Mareykanku uu ku leeyahay gobolka, laakiin ma ahan xulafadiisa ugu muhiimsan ee Bariga Dhexe. Carabta ayaa lagu sheegaa xulafada labaad Mareykanka ee gobolka, Israel ayaana ah saaxiibka ugu weyn Mareykanka ee gobolka.

Dagaalkan ayaa dhibaato ku ah dhaqaalaha Carabta iyo ilahooda tamarta, waxayna Iran xanibtay Marinka Hormuz oo uu ka gudbo shidaalka ay soo saaraan dalalka Carabta ee ugu hodansan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc