Duulaanka Mareykanka iyo Israel ay ku qaadeen dalkaasi Iran ayaa sababay in uu xirmo Marinka Hormuz, iyadoo tanina ay dunida ku riixeyso xiisad dhaqaale. Marinka biyoodkan ayaa ku yaala goobta ugu mashquulka badan ee ay maraan maraakiibta dunida, waxaana keligiis ka gudba shan meelood oo meel ee sahayda tamarta adduunka.
Wararka ayaa sheegaya in tallaabada ay Iran ku xirtay Hormuz uu ka mid yahay cawaaqibka aysan ku sii talagelin Mareykanka iyo Israel in laga la kulmi karo weerarada ay ka gaysanayaan dalkaasi.
Sii socoshada dagaalkan ayaa dhaawac weyn u gaysanaya dhaqaalaha caalamka, waxaana jira warar sheegaya in Madaxweyne Donald Trump uu wajahayo cadaadis ah in dagaalka si dhakhsa ahi loo soo afjaro, si wax looga qabto sicir bararka sii baahaya ee ka jira suuqyada caalamka.
Warbaahinta maxaliga ayaa tebineysa in ay isa soo tarayaan farriimaha Madaxweynaha uga imanaya dunida dacaladeeda kala duwan, si loo joojiyo dagaalkan, xaaladdana loogu soo celiyo sideedii hore.
CNN ayaa qortay in Saraakiisha Aqalka Cad ay hoos u dhiganayaan in Iran ay sii wadi doonto in uu sii xirnaado Hormuz, iyadoo la qorsheynayo in uu hawlgalku sii socdo.
Madaxweyne Donald Trump ayaa Sabtidii sheegay in dhawaan ay Marinka Hormuz ka dhigi doonaan mid furan oo ammaan iyo xor ah.
Madaxweynaha ayaa bartiisa barraha bulshada ee Truth Social ku sheegay in uu rajeynayo in dalalka Shiinaha, Faransiiska, Japan, Kuuriyada Koonfureed, Ingiriiska iyo kuwo kale ay maraakiibtooda dagaalka u soo diraan marinka muhiimka ah ee maraakiibta, si aysan Iran khatar ugu noqon.
Trump ayaa ka shaqeynaya inay Militariga Mareykanka sii wadaan hawlgalka ay sida wadajirka ah u fulinayaan iyaga iyo Ciidamada Israel, si loo xaqiijiyo guusha dagaalka ay u baahan yihiin.
Mareykanka ayaa Israel ka caawinaya in la rido maamulka ka arrimiya Iran iyo in ciidamada dalkaasi laga dhigo kuwo jilicsan.