Home Wararka Caalamka Iran oo sheegtay in maraakiibta ganacsiga ay weli mari karaan Hormuz

Iran oo sheegtay in maraakiibta ganacsiga ay weli mari karaan Hormuz

by Laacib

Wakiilka Iran ee Ururka Badaha Caalamiga ah (IMO), Ali Mousavi ayaa sheegay in maraakiibta caalamiga ah ay weli mari karaan Marinka Hormuz, iyaga oo maraya habka isku dubaridka Dowladda Iran ee habaynta amniga iyo badbaadada.

Ali Mousavi oo sidoo kale ah Safiirka Iran ee Ingiriiska ayaa wareysi uu siiyay Wakaaladda Wararka Mehr ku sheegay in waajibaadka caalamiga ah ay tahay in ay la socdaan, isla-markaana la ixtiraamo xuquuqda madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Iran.

Mousavi ayaa intaasi ku daray in Tehran ay diyaar u tahay inay iskaashi la sameyso Ururka IMO iyo dalalkaba, si loo horumariyo badqabka badda iyo ilaalinta badmaaxiinta.

Mousavi ayaa sheegaya in marin biyoodka Hormuz uu keliya ka xiran yahay cadowgooda, isagoona Mareykanka iyo Israel ku eedeeyay in ay ka masuul yihiin xaaladda ka jirta dalalka Khaliijka ee weliba Hormuz.

“Marinka Hormuz waxa uu keliya ka xiran yahay cadowga Iran. Duulaanka Mareykanka iyo Israel ee ka dhanka ah dalkayaga ayaa u sabab ah xaaladda hadda ka jirta Gacanka Khaliijka iyo Marinka Hormuz.” Ayuu yiri Mousavi.

Madaxweyne Donald Trump ayaa Axaddii muddo 48 saac ah u qabtay Tehran, si ay dib ugu furto marinka muhiimka ah ee Hormuz, haddii kalena uu Mareykanku burburin doono kaabeyaasha tamarta ee dalkaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa sheegay inaanu xirneyn Hormuz, isagoo intaasi ku daray in maraakiibtu ay ka laba labeynayaan inay ka gudbaan marinkaasi, sababtu tahay shirkadaha caymiska oo ka baqaya dagaalkan oo sida uu muujiyay ay Mareykanka iyo Israel bilaabeen, balse aysan Iran bilaabin.

Wasiir Araghchi ayaa xalay bartiisa Twitter-ka ku qoray in shirkad caymis ah iyo muwaadin Irani ah aan lagu cabsi gelin karin hanjabaado hor leh, isagoo xusay in xorriyadda badmaaxiinta aanay jiri karin, haddaanu jirin xorriyad ganacsi, wuxuuna ku baaqay in labadaba la ixtiraamo, haddii kalena aysan midkoodna filan.

Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Iran, Mohammad Bagher Ghalibaf oo ka jawaabayay hanjabaaddii ugu dambeysay ee Trump ayaa ku goodiyay in xarumaha tamarta gobolka ay gaarsiin doonaan heer aysan soo kaban karin, haddii la weeraro xarumaha tamarta Iran.

Gudoomiyaha ayaa ka digay in la beegsado xarumaha dhaqaalaha ee dalkaasi, haddii kalena si degdeg ah loola kulmi doono weeraro aargoosi ah oo lagu bartilmaameedsanayo warshadaha saliidda ee gobolka oo dhan.

Hanjabaadda Trump ee ka dhanka ah xarumaha tamarta Iran ayaa kor u sii qaadeysa khatarta sii kordheysa ee ka jirta Bariga Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc