Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Mareykanka oo dunida ka yaabiyay

Madaxweynaha Mareykanka oo dunida ka yaabiyay

by Laacib

Hadal hayn xoog leh ayaa ka dhalatay, ka dib markii Madaxweyne Donald Trump uu Isniintii sheegay in Mareykanka iyo Iran uu wada hadal u socdo.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in uu muddo shan maalmood ah dib u dhigay hawlgalkii lagu beegsan lahaa xarumaha tamarta Iran. Trump ayaa Axaddii muddo 48 saac ah u qabtay Iran, si ay dib ugu furto Marinka Hormuz, haddii kalena uu Mareykanku burburin doono kaabeyaasha tamarta ee dalkaasi.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa si adag u beenisay in wada hadal u socdo iyaga iyo Mareykanka, waxayna wasaaraddu ay warka Trump ku sheegtay mid wax ka jiraa aanu jirin, isla-markaana uu ku khaldayo ra’yul caalamka, si uu isaga yareeyo cadaadiska siyaasadeed iyo kan dhaqaale ee saaran, isaga oo ujeedkiisu yahay in uu hoos u dhaco qiimaha saliidda ee suuqyada caalamka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Iran, Mohammad Bagher Ghalibaf ayaa dhankiisa sheegay inaanan wax wada hadal ah lala gelin Madaxweynaha Trump, wuxuuna sheegashada Trump ku sheegay mid isaga uun ku eg oo hal dhinac ah.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Trump uu warar been abuur ah u adeegsanayo qiimaha sicirka saliidda ee cirka isku sii shareeraya maalinba maalinta ka dambeysa, iyadoo aanu jirin wax wada-xaajood ah oo u bilowday labada dhinac.

Ka dib warkii shalay ka soo yeeray Trump, wa-xoogaa hoos u dhac ah ayaa laga dareemay suuqyada caalamka, waxayse wax kastaa ay halkoodii ka sii socdeen, markii ay Iran beenisay warka Trump.

Duulaanka aan laga fiirsan ee Mareykanka iyo Israel ay sida wadajirka ah ugu qaadeen Iran ayaa dhibaato weyn u soo jiiday suuqyada caalamiga ah, oo ay soo food saartay hubinti la’aan ku aaddan sahayda tamarta adduunka, taasoona keentay in qiimaha batroolka iyo gaaska uu kor u kac ku yimaado.

Warbaahinta oo si weyn u fallanqeynaysa hadalka Trump ayaa keenay in shaki ay dadka qaarkii ka muujiyaan caafimaadka maskaxdiisa, iyadoo fallanqeeyeyaasha ay soo jeedinayaan in Aqalka Cad uu shacabka Mareykanka u caddeeyo caafimaadka odayga.

Trump ayaa la aaminsan yahay in cadaadis xoog leh uu kala kulmay xirnaanshaha marin biyoodka Hormuz, kaas oo maalintii 2aad ee dagaalka ay Iran ku dhawaaqday in uu xiran yahay, walow ay dib ka caddeysay in uu u furan yahay dhammaan maraakiibta ganacsiga oo dhan, marka laga soo tago kuwa cadowgeeda.

Carqaladeynta Iran ee marinka ugu mashquulka badan ee shixnadaha saliidda ayaa sababay in ciriiri dhanka tamarta ah laga dareemo suuqa iyo in sicirka tamarta uu noqdo mid qaali sii noqonaya.

Wakiilka Iran ee Ururka Badaha Caalamiga ah (IMO), Ali Mousavi ayaa maalin ka hor sheegay in maraakiibta ganacsiga ay weli mari karaan Hormuz, iyaga oo maraya habka isku dubaridka Dowladda Iran ee habaynta amniga iyo badbaadada. Tani ayuu macnaheedu yahay inaanu jirin markab ka gudbi kara marin biyoodkaasi, iyadoo aan ogolaansho laga haysan Ciidamada Qalabka Sida ee Iran.

Marinka Hormuz keliya ma ahan inuu yahay marin muhiim u yahay sahayda tamarta adduunka, balse sidoo kale wuxuu macno u leeyahay xasilloonida dhaqaalaha ee suuqyada caalamiga ah iyo inuu awood yeesho dollar-ka Mareykanka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc