Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa la kulmay Taliyaha Hawlgalada Gaarka Mareykanka ee Afrika (SOCAF/SOCAFRICA), General Claude K. Tudor.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa war uu gelinkii dambe ee maanta soo saaray ku sheegay in kulanka diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga ee dhinacyada amniga, horumarinta iyo tayaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo la dagaalanka argagixisada.
“Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhanka amniga, horumarinta iyo tayaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dardargelinta hawlgalada lagu la dagaalamayo argagixisada.” Ayaa lagu yiri warka.
Warka ayaa lagu sheegay “Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo tababarada, is dhaafsiga khibradaha iyo taageerada farsamo ee kor u qaadeysa awoodda ciidanka, si loo xaqiijiyo amni waara oo dalka ka hirgala.”
Warka ayaa intaasi ku daray “Sidoo kale waxaa la isla gartay in la sii xoojiyo wada shaqaynta ka dhaxeysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada saaxiibada caalamka, gaar ahaan hawlgalada ka dhanka ah kooxaha nabadiidka ah.”
Warka ayaan lagu xusin goobta uu kulanku ka dhacay.
Taliska SOCAF ama SOCAFRICA ayaa ah talis hoosaadka USSOCOM, kaas oo hoostaga Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM).
Taliska SOCAF ayaa qabta noocyada kala duwan ee hawlgalada, wuxuuna dhisaa taatikada iyo hawlgalka ka hortagga ururada xagjirka ah iyo rabshadaha, iyadoo dalalka iskaashiga la leh Mareykanka laga caawinayo horumarinta qaab dhismeedka amniga, si loo la dagaalamo khataraha qaaradda, loona abuuro xasillooni.
