Turkiga, Masar iyo Pakistan ayaa hormuud ka ah dalalka u istaagay, sidii loo dhexdhexaadin lahaa Mareykanka iyo Iran, iyadoona uu qorshuhu yahay in la joojiyo dagaalka ka socdo Bariga Dhexe.
Pakistan oo ah dal deris la ah Iran ayaa bilowgii toddobaadkan ku biirtay dalalka gobolka iyo kuwa kale ee caalamka ee diyaarka u ah inay dhexdhexaadiyaan dhinacyada, si dagaalka Mareykanka iyo Israel ay kula jiraan Iran loogu dhameeyo jidka diblomaasiyadda.
Raysal Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif ayaa Talaadadii Mareykanka iyo Iran ugu baaqay in ay ogolaadaan in dalkiisu uu dhexdhexaadiye ka noqdo xiisadda labada dhinac.
Wasiirka Warfaafinta Pakistan, Attaullah Tarar ayaa isna sheegay in doorka dhexdhexaadinta Islamabad ee dhinacyada uu noqon karo mid muhiim ah, marka loo eego xiriirkeeda Tehran iyo Washington.
Raysal Wasaare Shehbaz Sharif ayaa soo bandhigay in uu martigelinayo wada hadal macno iyo gunaanad leh, haddii labada dhinac ay ku heshiiyaan. Soo jeedintiisa ayaa sare u qaadday rajada ah in Islamabad ay noqon karto meel macquul ah oo lagu gorgortamayo.
Wararka ayaa sheegaya in wada hadalada ay adkeynayaan dalabaadka is diidan ee labada dhinac ee dagaalka lagu dhamayn karo. Iran ayay wararku sheegayaan in ay iska diiday dalab 15 qodob ka kooban oo xabad joojin ah oo Mareykanku uu soo jeediyay Arbacadii.
Iran ayaa sii adkeysay mowqifkeeda ay ku aadeyso miiska wada hadalka, ka dib markii ay sheegtay inaysan wax niyad ahi u hayn in ay wada hadal la gasho Mareykanka.
Afhayeenka Taliska Dhexe ee Ciidamada Iran (Khatam Al-Anbiya), General Ebrahim Zolfaghari ayaa sheegay in dal sida Iran oo kale ah aanu ebid heshiis la geli karin Mareykanka. Hadalkiisa ayaa loo fasirtay in Iran aysan diyaar u ahayn in ay Mareykanka isku dhiibto amaba ay dhageysato shuruudihiisa.
Saraakiisha Pakistan oo kaashanaya diblomaasiyiinta gobolka ayaa mar horeba wada hadalo gaar gaar ah la bilaabay labada dhinac, waana halka ay farriimaha isugu soo gudbiyeen Tehran iyo Washington.
Diblomaasiyiinta Pakistan ayaa laga soo xigtay in shuruudaha Mareykanka uu soo gudbiyay ay ka mid yihiin xadidaadda barnaamijka nuclearka ee Iran & gantaalada, dib-u-furista Hormuz iyo xakameynta taageeradeeda ururada hubeysan ee gobolka, iyadoo ku bedelaneysa in laga qaado cunaqabateynta caalamiga ah ee saaran.
Dalalka dhexdhexaadiyeyaasha oo ay ku jiraan Masar iyo Turkiga ayaa ku howlanaa, sidii kulan fool ka fool ah Mareykanka iyo Iran ay Jimcaha iyo Sabtida ugu yeelan lahaayeen Islamabad, balse ay haatan dareemayaan dib-u-dhac dhinaca diblomaasiyadda ah.
Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Iran ay ka qayb qaadaneyso wada hadalada nabadda ee socda, isla-markaana ay aad u daneynayso in la helo heshiis lagu soo afjarayo dagaalka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa beeniyay warka ka soo yeeray Trump, isagoona sheegay in uusan socon wax wada-xaajood ah oo lala yeelanayo Mareykanka.
Dhanka kale waxaa jira qodobo dhowr ah oo Iran miiska u saaran oo heshiis lagu xaqiijin karo, kuwaas oo aan u cuntani karin Mareykanka iyo Israel.
Warbaahinta gobolka ayaa ku warameysa in ay jiraan shuruudo aan laga tanaasuli karin oo Iran ay wada hadalka uga qayb qaadan karto, waxaana ka mid ah in la ogolaado in barnaamijkeeda nuclear-ka uu yahay mid nabadeed, in iyada looga dambeeyo maamulka marin biyoodka Hormuz, si ka duwan sidii hore, in laga qaado cunaqabateynta dhaqaale ee saaran, in aan laga hadli karin taageeradeeda ururada ay xulafada yihiin, in Militariga Mareykanka ay ka baxaan Bariga Dhexe oo dhan iyo in xabad joojin waarta laga sameeyo Lubnaan iyo Marinka Gaza, iyadoo Ciidamada Israel ay ka baxayaan meelaha ay ka joogaan, dibna aysan ugu soo laaban karin.
Arrinta ceynkani oo kale ah iyo mowqifyada is diidan ee dhinacyada ayaa hoos u dhigaya suurtagalnimada in heshiis la gaari karo iyo in dhawaanahaan ay dhinacyadu shir isugu imaan karaan.
Hakad kasta oo ku yimaada dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee diblomaasiyadeed ee socday ayaa sii wiiqaya rajada heshiiska, waxayna lugta u fureysaa in dagaalku uu sii socdo.
Pakistan ayaan iyadu illaa iyo hadda wax niyad xumo ahi ka muujin dalabkeeda dhexdhexaadinta ee dhinacyada. Wasiirka Warfaafinta ee dalkaasi ayaana sheegay inay Pakistan ka go’an tahay in ay gacan ka gaysato waddada lagu gaari karo in la helo xasillooni diblomaasiyadeed oo lagu soo afjarayo colaadda gobolka.