Home Wararka Caalamka Araghchi oo ka hadlay laba wejiileynta reer galbeedka, isagoo tusaale u soo qaatay Gaza iyo Hormuz

Araghchi oo ka hadlay laba wejiileynta reer galbeedka, isagoo tusaale u soo qaatay Gaza iyo Hormuz

by Laacib

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa is barbardhig ku sameeyay go’aanka ay Israel ku go’doomisay Marinka Gaza ee Falastiin iyo mowqifka Iran ay ku carqaladeynayso isu socodka maraakiibta ee marin biyoodka Hormuz, iyadoo ka leh istiraatiijiyad ay isku difaaceyso.

“Mareykanku waxa uu taageeray go’doominta Israel ee Gaza, isaga oo jaray gargaarka iyada oo la raacayo sheegashadeeda ammaanka, haddana waxa uu Iran ku cambaareeyay inay is difaacid u adeegsaneyso marin biyoodka Hormuz.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa is barbardhigan u soo qaatay, isaga oo tusaaleynaya laba wejiileynta reer galbeedka, marka ay noqoto ku dhaqanka sharciga caalamiga ah.

“Laba wejiileynta: Dembiyada Israel waa caadi, halka Iran inay iska difaacdo gardarrada la cambaareynayo. Sharciga caalamiga ahi maaha qalab lagu raaxeysto.” Ayuu yiri Araghchi oo galabta warkan ku sheegay bartiisa Twitter-ka.

Sharciga caalamiga ah waa xeerar mabda’ ahaan loogu talagalay in si isku mid ah loo adeegsado, balse marka siyaabo kala duwan loogu dhaqmo, si aan caddaalad ahayn ayaa wuxuu noqonaya keliya in la adeegsado, marka cid weliba ay danaheeda ka aragto, taas oo baalmarsan wixii loo sameeyay. Sharciga ay dunida dhigatay waa waajibaad caalami ah oo leh mabaadii’ la taaban karo oo ay tahay in dowladuhu ay si joogto ah u raacaan, halkii ay ka ahaan lahaayeen xeerar la iska indha tiri karo, lagu dhaqdhaqaaqi karo ama la soo jeedin karo oo keliya, marka ay ku habboon tahay danaha dhow ee qaranka ama xulafada.

Madaxweyne Donald Trump ayaa dhowr jeer oo hore cambaareeyay xanibaadda Iran ee Hormuz, isagoona wacad ku maray in ay xoog ku furi doonaan.

Hadalka Araghchi ayaa imanaya, ka dib markii Madaxa Guddiga Fulinta ee Midowga Yurub, Ursula von der Leyen ay Talaadadii wax aan la aqbali karin ku tilmaamtay tallaabada ay Ciidamada Iran ku xireen Marinka Hormuz, isla-markaana ay tahay in la cambaareeyo.

Go’doominta Israel ee Marinka Gaza iyo diidmadeeda in gargaar ku filan la gaarsiiyo dadka rayidka ah ayaa xaalad quus ah geliyay in ka badan laba milyan oo qof oo ku nool dhulka go’doonsan ee Falastiin.

Carqaladeynta Iran ee isu socodka maraakiibta ee Hormuz ayaa cawaaqib ku yeeshay sicirka sahayda tamarta ee suuqyada caalamka, taasoo dunida ku riixday xasillooni darro dhaqaale.

Abbas Araghchi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran ayaa 15-kii bishan sheegay inaanay iyagu cidina ku duulin, isla-markaana ay samayn doonaan wax kasta oo cadowga ay isaga difaaci karaan.

Mr. Araghchi ayaa 22-kii bishan muujiyay in Hormuz ay mari doonaan maraakiibta ganacsiga oo dhan, marka laga soo tago kuwa cadowga oo uu ula jeedo Mareykanka iyo Israel.

Go’aanka ay Iran ku xirtay marin biyoodka Hormuz ayaa madax xanuun ku riday Madaxweyne Trump, maadaama xirnaanshaha Hormuz uu dowladdiisa uga dhigan yahay cadaadis dhaqaale iyo mid siyaasadeedba.

Iran ayaa xirnaanshaha Hormuz ka leh siyaasad ay Mareykanka uga joojineyso taageerada uu Israel ku siinayo dagaalkan. Mareykanka iyo Israel ayaa 28-kii bishii February bilaabay in ay si wadajir ah u garaacaan bartilmaameedyada dhulka Iran.

Iran ayaa 1-dii bishan, oo ah maalintii 2aad ee dagaalka ku dhawaaqday in uu xiran yahay Hormuz, inkastoo ay dib go’aankeeda ka dabcisay, kuna soo koobtay in marin biyoodka uu ka xiran yahay keliya dalalka dagaalka ku lugta leh.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc