Hal bil ayay ku buuxdaa, markii Mareykanka iyo Israel ay si wadajir ah u bilaabeen duqaymaha ka dhanka ah bartilmaameedyada dalkaasi Iran, iyadoo dagaalku uu u muuqdo mid sii socon doona, haddii aan la helin heshiis si degdeg ahi loogu soo afjarayo colaadda saamaynta ku yeelatay Bariga Dhexe iyo qiimaha sicirka ee sahayda adduunka.
Ka dib markii maalintii 1aad ee dagaalka (28-kii February) ay Mareykanka iyo Israel u suurtagashay inay dilaan Hoggaamiyihii ugu sarreyay ee dalkaasi, Ayatollah Ali Khamenei, siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan, dagaalka ayaa si dhakhsa ah ugu fiday qaar badan oo ka mid ah dalalka gobolka, una badan kuwa Carabta, iyadoo ay Iran ka aargudaneyso gardarrada cadowga.
Hal bil oo duqaymo aan kala joogsi lahayn ay Mareykanka iyo Israel ka gaysanayeen gudaha Iran iyo falcelinta Iran ee sii socota, qof weliba oo gobolka ku nool wuxuu u muuqdaa mid daalan oo argagaxsan, waana xilli aysan dadku aqoon halka jihadaan looga dhaqaaqi doono.
Dagaalkan ayaa xaalad cabsi badan ka abuuray gobolka, wuxuuna fowdeeyay sahayda tamarta adduunka iyo xasilloonida dhaqaalaha ee suuqyada caalamka.
Duulaanka wadajirka ah ay qaadeen Israel iyo xulafadeeda Mareykanka ayaa sababay in Iran ay carqaladeyso isu socodka maraakiibta ee marinka ganacsiga ee Hormuz.
Dagaalka gobolka ayaa mugdi geliyay qiimaha dollarka Mareykanka, wuxuuna xanibaadda Hormuz uu Madaxweyne Donanld Trump ku kordhinaya cadaadiska siyaasadeed iyo kan dhaqaale ee saaran maamulkiisa.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa dunida u muujinaya in Washington ay qayb ka tahay dadaalada diblomaasiyadda caalamiga ah ee lagu raadinayo xalka dagaalkan, inkastoo shuruudaha Mareykanka iyo Israel ee lagu joojin karo dagaalka uu liddi ku yahay dalabka Dowladda Iran.
Dunida ayaa aad u daneynaysa in dhinacyadu ay ku laabtaan miiska wada hadalka, iyadoo aan looga sii darayn xaaladda aadka u kacsan ee ka jirta Bariga Dhexe.
Hase yeeshee shuruudaha iska soo horjeeda ee dhinacyada ayaa diblomaasiyadda ka dhigaya mid aan weli la gaarin, xilligii ay shaqayn lahayd, iyadoo aan tanaasul looga maarmi karin in la dejiyo xiisaddan.
Dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa muujinaya in dagaalkan aanu wax faa’iido ah u lahayn Bariga Dhexe iyo adduunka intiisa kaleba.
Shiinaha ayaa ka codsaday Maraykanka, Israel iyo Iran inay ka qaybgalaan wada hadal nabadeed oo Bariga Dhexe ah. Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang Yi ayaa dhammaan dhinacyada ugu baaqay in ay si dhab ah u wada hadlaan. Shiinaha ayaa waxaa lagu tilmaamaa dal ay saaxiibo dhow yihiin Iran, isla-markaana ay leeyihiin iskaashi ganacsi iyo xiriir militari, mana doonayo in ay xiisaddu ka sii socoto gobolka, maadaama Marinka Hormuz uu muhiim u yahay wax soosaarka Shiinaha oo si weyn ugu tiirsan saliidda gobolka.
Dunida ayaa waxay wada hadalka u aragtaa danta dalalka ku lugta leh colaaddan, rabitaanka shacabka dalalkaasi iyo rabitaanka guud ee bulshada caalamka.
Waxaa adag in Mareykanka iyo Israel ay ogolaadaan in si shuruud la’aan ahi loo joojiyo dagaalkan, isla-markaana ay aqbalaan inaanay dib dambe u weerari doonin dhulka Iran, si gaar ah Israel oo iyadu Iran u aragto cadowgeeda ugu weyn ee gobolka. Saraakiisha Aqalka Cad ayaa laga soo xigtay in Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu uu Mareykanku geliyay dagaal aan cawaaqibkiisa laga fiirsan.
Rabitaan la’aanta Israel ee ku saabsan in aysan geli karin heshiis aan shuruud lahayn ayaa waxay keeneysaa natiijo aan la wada aqbali karin.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres oo walaac ka muujiyay xaaladda gobolka ayaa ka digay in dagaalku uu halis ugu jiro kicinta falcelin silsilado ah.
Ma jirto cid sheegi karta goorta uu soo dhamaan doono dagaalkan, taasina waxay sii kordheynaysaa khasaaraha nafeed iyo midka hantiyadeed ee dagaalku uu gaysanayo.