Iyadoo dagaalka uu maanta galay toddobaadkiisii shanaad, Xoogaga Xuutiyiinta Yemen ayaa ku dhawaaqay inay soo galeen dagaalka ay Iran kula jirto Israel iyo Mareykanka.
Saraakiisha Xuutiyiinta ayaa sheegay inay markii ugu horreysay gantaalo ku garaaceen Israel, tan iyo markii uu bilowday dagaalka Mareykanka iyo Israel ee ka dhanka ah Iran.
Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta, General Yahya Saree ayaa sheegay in Ciidamada Yemen ay fuliyeen hawlgalkoodii ugu horreyay ee militari, iyaga oo adeegsanaya gantaalo nooca ballaastikada ah oo lagu bartilmaameedsaday goobo militari oo xasaasi ah, isla-markaana ay Ciidamada Israel kaga sugan yihiin Koonfurta Falastiin, sida uu yiri.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in weerarku uu yimid, si looga jawaabo kororka militari ee socda, laguna beegsanayo kaabeyaasha rayidka, dembiyada iyo xasuuqa ka dhanka ah shacabka Falastiin, Lubnaan, Ciraaq iyo Iran.
General Yahya Saree ayaa ka digay in hawlgalada Xoogaga Xuutiyiinta ay sii socon doonaan, illaa iyo inta ay cadowgu fara-gelinta militari ka wadaan Bariga Dhexe.
General Saree oo muuqaal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in haddii aan la joojin hawlgalada militari ay Xuutiyiinta sii wadi doonaan weeraradooda jawaabta u ah gardarrada cadowga.
Warbaahinta Israel ee KAN ayaa Sabtidan ku warantay in Xuutiyiinta ay bilaabeen inay soo weeraraan Koonfurta Israel, tallaabadan oo KAN ay ku sheegtay tii ugu horreyay ee nooceeda ah, muddada uu dagaalku socdo.
Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in ay ka hortaggeen oo la qabtay gantaal saaka ka soo dhacay jihada Yemen.
Jimcihii ayay ahayd, markii Xuutiyiinta Yemen ay sheegeen suurtagalnimada inay si toos ah uga qayb qaadan karaan dagaalka ka socdo gobolka, haddii ay dalalka xulafada ku biiraan safka Mareykanka iyo Israel amaba Badda Cas loo adeegsado weerarada laga gaysanayo Iran.
Ka qayb qaadashada Xuutiyiinta ee dagaalka ayaa calaamad u ah in dagaalku uu sii xoogeysanayo, isla-markaana uu fidayo.
Soo gelitaanka Xuutiyiinta ee dagaalka ayaa keeneysa in laga walaaco in ay caqabad hor leh ku noqon karaan isu socodka maraakiibta ganacsiga ee Bariga Dhexe.
Xuutiyiinta Yemen ayaa laga yaabaa inay soo saaraan awaamiir ay maraakiibta Mareykanka, Israel iyo kuwa kale ee reer Yurub uga mamnuucayaan inay isticmaalaan marin biyoodka Bab El-Mandeb, kaas oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Yemen ayaa waxay ka mid tahay dalalka saaran Badda Cas, oo sanadkii uu ka gudbo boqolkiiba laba iyo toban (12%) ee ganacsiga badaha caalamka.