Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo wafdi isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Wafdiga Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud ku soo dhaweeyay Wasiiro uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa ee Xukuumadda Federaalka, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) oo Isniintii gaaray Baydhabo.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa ayaa kulan horudhac ah la qaatay Wasiirada ka tirsan Dowladda Federaalka iyo masuuliyiinta qaar ee Hay’adaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoona Aadan Madoobe uu bogaadiyay is bedelka ka dhacay Baydhabo.
“Tani nimco Ilaahay waaye. Somaliya loogama baran meel is bedelkaas oo kale degdegga ah uu ka dhaco, haddana nabad iyo deganaansho in isla markiiba la helo waa yar tahay. Ilaahay baan ugu shukrinaynaa.” Ayuu yiri Gudoomiye Aadan Madoobe oo ka hadlayay shir jaraa’id oo magaalada uu ku qabtay, isagoo daba jooga tallaabadii saaxada siyaasadda looga saaray Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
“Waxaan kaloo u mahadcelinayaa masuuliyiintii siyaasiyiinta iyo saraakiisha ha ahaadeen iyo Ciidamada Qalabka Sida oo is bedelkan iyo jid furidda meesha u yimid.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe.
Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa sheegay in dhawaan la dhisi doono maamul ku yimaada rabitaanka dadka reer Koonfur Galbeed.
Xubnaha safarka ku wehlinayay Aadan Madoobe ayaa waxaa laga xusi karaa Raysal Wasaare Kuxigeenka 2aad ee Xukuumadda, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdisalaan Cabdi Cali iyo Wasiirka Diinta & Awqaafta, Mukhtaar Roobow Cali.
