Weerar xagga cirka ah ayaa Talaadadan lagu qaaday mid ka mid ah shirkadaha dawooyinka ee ugu weyn Iran oo fadhigeedu yahay Magaalada Tehran.
Shirkaddan oo lagu magacaabo Tofigh Daru Research & Engineering Company ayaa soo saarta dawooyinka suuxinta iyo kansarka, sida ay sheegtay Dowladd Iran. Dowladda ayaa waxay kaloo sheegtay in shirkaddu ay ahayd mid horumarineysay dawooyinka firfircoon ee maaddooyinka, oo loo adeegsado ka hortagga kansarka, dawaynta xanuunada wadnaha iyo xididdada dhiigga.
War ka soo baxay dowladda dalkaasi ayaa lagu sheegay in burbur loo gaystay khadka wax soosaarka dawooyinka ee shirkadda.
Weerar kale ayaa lagu qaaday xarun diimeed ay leeyihiin Shiicada oo ku taala waqooyi galbeed ee Magaalada Zanjan.
Hay’adda Bisha Cas ee Iran ayaa sheegtay in kooxaha samatabixinta ay laba qof ka soo saareen burburka, ka dib markii duqayn cirka ah lagu beegsaday Xarunta Husseiniya Azam iyo hoolka shirarka Shiicada ee magaaladaasi.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa Israel ku eedeeyay inay hadda si cad oo xishood la’aan ah u weerareyso shirkadaha dawooyinka ee dalkaasi.
Wasiirka ayaa sheegay in Israel ay ku khaldantay Iran, iyadoo moodeysa sida shacabka Falastiin ee aan is difaaci karin, sida uu yiri.
“Ciidamadeenna Qalabka Sida waxay si xun u ciqaabi doonaan kuwa gardarrada wada.” Ayuu yiri Araghchi oo warkan ku sheegay bartiisa Twitter-ka.
Dhanka kale Ciidamada Iran ayaa maanta gantaalo ku weeraray bartilmaameedyo ku yaala Bartamaha Israel. Meelaha ay wax ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ah Magaalooyinka Tel Aviv, Bnei Brak, Petah Tikva iyo Givat Shmuel.
Warbaahinta Israel ayaa warisay in ugu yaraan sagaal qof ay ku dhaawacmeen duqaymaha lagu garaacay Bartamaha Israel. Warbaahinta maxaliga ayaa sidoo kale sheegtay in la soo badbaadiyay hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay, kuna nool Bnei Brak, ka gadaal markii uu saqaf ku soo dumay dhisme ay ku sugnaayeen.
Sii socoshada weerarada Mareykanka iyo Israel ee ka dhanka ah Iran iyo weerararada aargoosiga ee Iran ayaa sare u qaadaya saamaynta kaabeyaasha muhiimka iyo weliba dadka rayidka ah.