Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa mar kale diray farriin uu ku raadinayo iskaashi militari, iyadoo uu la dhibaateysan yahay xirnaanshaha Hormuz, oo uu u arko inay ka hortageyso guusha Mareykanka iyo Israel ee dagaalka lagu la jiro Iran.
Madaxweyne Donald Trump ayaa sii wada hadalada dareenka leh ee taageerada uu uga raadinayo xulafada reer galbeedka, inkastoo ay illaa iyo hadda ka caga jiidayaan inay ku lug yeeshaan dagaalkaasi.
Madaxweynaha ayaa Talaadadan u sheegay Ingiriiska iyo dalalka kale in shidaalka ay u baahan yihiin uu yaalo Marinka Hormuz, isagoona ugu yeeray inay halkaasi u doontaan, taasoo ah dalab uu ku weydiisanayo inay gacan ka gaystaan in shixnadaha saliidda laga gudbiyo marin biyoodka ku yaala Bariga Dhexe.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa bishan oo dhan ku celcelinayay in xulafada Mareykanka ee reer Yurub ay tahay inay gacan ka gaystaan dib-u-furista Hormuz.
Duulaanka Mareykanka iyo Israel ee ka dhanka ah Iran, isla-markaana bilowday 28-kii bishii February ayaa sababay in Iran ay carqaladeyso isu socodka maraakiibta ganacsiga ee Hormuz. Dowladuhu waxay duulaankan u arkaan mid aan laga fiirsan oo sharci darro ah, kaasoo saamayntiisa ay noqon karto mid masiibo ah.
Madaxweyne Trump ayaa xulafada Yurub ugu hanjabay in aanu Mareykanku caawin doonin, sida ay iyaguba haatan u caawineyn dalkiisa. Ma ahan hanjabaad waari doonta, balse waa mid ku-meel-gaar ah, si ay dagaalka u soo galaan amaba inay wax uun gacan ah ka gaystaan wax ka qabashada sicirka sahayda tamarta ee suuqyada caalamka.
Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa xiriirka bulshada, waxa uu xulafada Yurub ku booriyay inay wa-xoogaa geesinimo ah iska baaraan, si ay uga qayb qaataan hawlgal maraakiibta shidaalka looga gelbinayo Hormuz. Trump ayaa dalalka Yurub ka doonaya inay maraakiibtooda dagaalka ay caawiyeyaal ka noqdaan hawlgalka lagu furayo Marinka Hormuz.
Wareysi uu siiyay Warbaahinta CBS ee Mareykanka, Trump ayaa sheegay inay xulafadu si iskood ah shaqadooda u qabsadaan, isla-markaana aysan shidaalka uga tagin xanibaadda Iran ee Hormuz.
Dulqaad la’aanta sii kordheysa ee Trump ayaa waxay muujineysaa inuu ogyahay in uu dabin ku jiro, uuna u baahan yahay in uu si dhakhsa ah uga lug baxo.
Ma jiro dal qura oo illaa iyo hadda ka jawaabay baaqa Trump, waxaase laga yaabaa in dalalka qaar ay bedelaan mowqifkooda dagaalka, laakiin qorshe la’aanta dagaalka iyo waqtiga uu socon doono oo aan la garaneyn ay u baahnaan doonaan in ay aad uga fiirsadaan.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa waxaa ka go’an in dalalka qaar uu ku soo jiido dagaalkan, si loo helo xoog dheeraad ah oo lagu caabin karo, laguna joojin karo weerarada Iran, si looga gaaro danaha istiraatiijiga ah ee laga leeyahay.
Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka ayaa halgan adag ugu jira, sidii Iran loogu cadaadin lahaa inay is dhiibto, isla-markaana ay u ogolaan lahayd in ay ka tanaasusho barnaamijkeeda sameysashada nuclear-ka iyo in ay noqoto dal aan lahayn gantaalada ballaastikada.
Madaxweyne Donald Trump ayaa amray Militariga Mareykanka inay Israel ka caawiyaan hawlgal meesha looga saarayo nidaamka ka arrimiya Iran iyo in la wiiqo cududda militari ee ciidamada dalkaasi, ha yeeshee jawaabta koowaad ee aargoosiga Iran ayaa Hormuz ka dhigtay meel laga cabsado in la maro. Cabsidan ayaan jirin dagaalka ka hor.
Madaxweyne Trump ayaa la xanuunsanaya xirnaanshaha marinka ganacsiga ee Hormuz, kaas oo xirnaanshihiisa ay cid kasta isaga ku eedeynayso.
Ciidamada Mareykanka iyo Israel ayaa bishii labaad oo xiriir ah duqaymo ka wada bartilmaameedyada gudaha Iran, waana xilli weerarada aargoosiga ee Tehran ay yihiin kuwo aan daah lahayn.
Trump ayaa daal badan ka qaaday xanibaadda Hormuz, isagoona aan ka nasan doonin daalkaasi uu qabo, illaama si buuxda dib loo furo marin biyoodkaasi.
Dhaqaalayahanada ayaa sheegaya in isu socodka Hormuz uu sidiisa hore ku soo laaban doono, marka la soo afjaro dagaalka Bariga Dhexe, balse Trump ayaa raadinaya in iyadoo aan la joojin weerarada lagu hayo Iran in la furo Hormuz, taasoo aan suurtagal noqon karin waqtiga dhow.