Home Wararka Caalamka Iran iyo Donald Trump oo qoorta isku la jira

Iran iyo Donald Trump oo qoorta isku la jira

by Laacib

Dowladda Iran ayaa si adag u beenisay war Talaadadii iyo Arbacadan ka soo yeeray Madaxweyne Donald Trump, oo uu ku sheegayay in Tehran ay codsatay in dagaalka la joojiyo.

Madaxweyne Trump oo Talaadadii Wariyeyaasha kula hadlayay Xafiiskiisa Oval ee Aqalka Cad ayaa sheegay in Madaxda Iran ay Mareykanka ka baryayaan in la gaaro heshiis lagu dhameynayo dagaalkan. Waxa uu muujiyay in uu wada hadal u socdo iyaga iyo Iran, isagoo intaasi ku daray in Mareykanku uu dagaalka kaga bixi karo laba illaa saddex toddobaad gudahood, haddii heshiis la gaaro iyo haddii aanba la gaarin, sababtana wuxuu ku sheegay in Mareykanka uu gaaray yoolashiisa dagaalka.

Trump ayaa dhanka kale qoraal uu maanta soo dhigay bartiisa Truth Social ku sheegay in uu Madaxweynaha cusub ee Iran, oo aanu magaciisa sheegin uu Mareykanka ka codsaday xabad joojin, isla-markaana ay ka fiirsan doonaan, marka dib loo furo marin biyoodka Hormuz, inta ka horreysana aan la joojin doonin duqaymaha ka dhanka ah bartilmaameedyada Iran.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi oo daba jooga warkii shalay ka soo yeeray Trump ayaa sheegay haba yaraatee inaysan jirin wax wada hadal ah oo u socda Washington iyo Tehran. Araghchi ayaa warka Trump ku sheegay mid xaqiiqda ka fog.

Esmaeil Baghaei, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa isna warka Trump ee Arbacadan ka soo yeeray ku tilmaamay been aan sal iyo raad toona lahayn, isla-markaana aanay jirin meel ay Iran ku codsatay xabad joojin.

Taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegay inaysan ogolaan doonin in maraakiibta cadowga ay ka gudbaan Marinka Hormuz.

Taliska ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in Hormuz uu ka sii xirnaan doono cadowga, oo ay ula jeedaan dalalka dagaalka ku lugta leh.

Taliska ayaa sheegay in Marinka Hormuz uu ku jiro gacanta Ciidamada Qalabka Sida ee Iran, gaar ahaan Ciidanka Badda, taas oo macnaheedu yahay in ogolaanshahooda oo keliya lagu mari karo marin biyoodkaasi.

Madaxweyne Donald Trump ayaa aad u raadinaya in la furo Marinka Hormuz, maadaama uu xirnaanshihiisa uu culeys ku yahay maamulkiisa.

Iran ayaa carqaladeysay isu socodka maraakiibta shidaalka ee Hormuz, iyadoo kaga aargudaneysa weerarada Mareykanka iyo Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc