Home Wararka Maanta Ciidamadii laga saaray Baydhabo oo isku uruursaday deegaanka Awdiinle

Ciidamadii laga saaray Baydhabo oo isku uruursaday deegaanka Awdiinle

by Laacib

Boqolaal askari oo ka mid ah Ciidamada Koonfur Galbeed, isla-markaana aan taageerin is bedelka ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa isugu tegay deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay.

Deegaankan ayaa ku yaala inta u dhaxeyso Magaalooyinka Baydhabo iyo Berdaale, iyadoona 30km uu dhinaca galbeed uga beegan yahay Baydhabo.

Ciidamadan oo wata tiro gaadiidka dagaalka ah ayaa fariisimo ka sameystay deegaankaasi, iyada oo ay la socdaan qaar ka mid ah masuuliyiintii iyo saraakiishii Maamulkii Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in ciidamadan ay isugu jiraan Ilaaladii Gaarka ee Madaxweyne Laftagareen, Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad kale oo ku heyb ah Madaxweynihii Koonfur Galbeed ee is casilay.

Lama oga waxa uu noqon doono masiirka ciidamadan, balse waxaa jira warar sheegaya in ay socdaan dadaalo dib loogu soo celinayo Magaalada Baydhabo.

Militariga Somaliya ayaa Isniintii la wareegay gacan ku haynta Baydhabo, taas oo dhabaha u xaartay in meesha laga saaro Cabdicasiis Laftagareen, ka dib in ka badan toddobo sano oo uu ahaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Masuuliyiinta Dowladda Federaalka oo bogaadiyay is bedelka ka dhacay Baydhabo ayaa sheegay inaanan la ogolaan doonin wax qalalaase iyo aargoosi ah inay ka dhacaan magaaladaasi.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa habeenkii Isniinta sheegay in Dowladda Federaalka ay damaanad qaadday amniga magaalada, isla-markaana ay gacanta ku hayaan Ciidanka Xoogga Dalka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Talaadadii gaaray magaalada, wuxuuna Gudoomiye Aadan Madoobe uu sheegay in dhawaan la dhisi doono maamul ku yimaada rabitaanka dadka reer Koonfur Galbeed.

 

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc