Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Faransiiska oo ka horyimid qorshaha Trump ee furitaanka Hormuz

Madaxweynaha Faransiiska oo ka horyimid qorshaha Trump ee furitaanka Hormuz

by Laacib

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa sheegay inaysan macquul ahayn in xoog lagu furo marin biyoodka Hormuz, oo ku xirmay duulaanka Mareykanka iyo Israel ee ka dhanka ah Iran.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa Khamiistan Wariyeyaasha u sheegay inaysan hadda suurtagal ahayn in la bilaabo hawlgal militari oo lagu furayo Marinka Hormuz, ka dib markii Madaxweyne Donald Trump uu reer Yurub ku tartarsiiyay inay ka shaqeeyaan, sidii dib loogu furi lahaa marinka shixnadaha saliidda ee Bariga Dhexe.

Dhowr kun oo qof ayaa ku dhintay dagaalka Bariga Dhexe, tan iyo 28-kii bishii February, markaas oo Mareykanka iyo Israel ay bilaabeen inay garaacaan bartilmaameedyada gudaha Iran, taasoo kicisay in dagaalka uu si degdeg ah ugu fido illaa toban dal, una badan kuwa Carabta.

Duulaankan ayaa keenay in Iran ay si ba’an u garaacdo Saldhigyada Militariga Mareykanka ee gobolka, Israel iyo Dowladaha Gacanka Khaliijka, waxaana Tehran u suurtagashay in ay si wax ku ool ah u xirto Hormuz, ayna soo rogto inaanay mari karin maraakiibta dalalka cadowga ee dagaalka ku lugta leh.

“Dadka qaar ayaa difaacaya fekerka ah in xoog lagu furo marin biyoodka Hormuz, iyadoo loo marayo hawlgal militari, mowqifkaas oo mararka qaar uu sheego Mareykanka, inkastoo lagu kala duwan yahay.” Ayuu yiri Madaxweyne Macron.

“Tani marnaba ma ahayn ikhtiyaar aan taageernay in xoog lagu furo Hormuz, sababtoo ah waa wax aan macquul ahayn.” Ayuu yiri Macron oo hoosta ka xariiqay in hawlgalka militari uu keliya uga sii darayo xaaladda cakiran ee ka jirta gobolka, marka loo eego awoodda Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran iyo gantaalada ballaastikada ee Tehran.

Trump ayaa xulafada Mareykanka ee Yurub ku cadaadinaya in ay soo diraan maraakiibtooda dagaalka, si ay u gelbiyaan maraakiibta ka gudbeysa Marinka Hormuz.

Hase yeeshee Macron ayaa sheegay in hawlgalka uu sii kordhin doono uun khataraha ku gadaaman isticmaalka maraakiibta ee Hormuz.

Macron ayaa sheegay in damaanad qaadka Hormuz oo nabdoon oo xor ah lagu heli karo in wada hadal lala galo Iran.

Macron oo Wariyeyaasha kula hadlayay Magaalada Seoul oo uu booqasho ku joogo ayaa dhanka kale ka digay in duqayn aysan keeni karin in xal waara laga gaaro barnaamijka nuclear-ka Iran.

Xanibaadda Iran ee Hormuz ayaa culeys siyaasadeed iyo mid dhaqaalaba ku noqday Maamulka Madaxweyne Donald Trump, iyadoo Hormuz uu maro boqolkiiba labaatan (20%) ee shidaalka iyo gaaska laga isticmaalo dunida.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc