Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa Magaalada Baydhabo kula kulmay Taliyeyaasha Militariga iyo Booliska ee Dowladda Federaalka.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Asad Cismaan Cabdullaahi, Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute) iyo Saraakiil kale kala hadlay hawlgalada maleeshiyada Al Shabaab looga sifeynayo deegaanada Koonfur Galbeed.
“Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta hawlgalada Khawaariijta looga sifeynaayo deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, gaar ahaan hawlgalkii waddo furista ahaa ee dhawaan khawaariijta looga xoreeyay waddada u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo, waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu bogaadiyay dadaalada Ciidamada Qalabka Sida qaybahooda kala duwan.” Ayaa lagu yiri war caawa ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Golaha Shacabka.
Dowladda Federaalka ayaa damaanad-qaadday amniga Magaalada Baydhabo, ka dib hawlgalkii ay Isniintii kula wareegeen Ciidanka Xoogga Dalka, meeshana looga saaray Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Dowladda Federaalka ayaa isku diyaarineysa doorasho qof iyo cod oo dhawaan laga qabanayo deegaanada Koonfur Galbeed.
Doorashadan ayaa ah mid lagu soo dooranayo Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Koonfur Galbeed, Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Ma cadda qaabka ay doorashadu u qabsoomi doonto, laakiin waa wax laga sugayo Guddiga Doorashooyinka Qaranka, oo ay Dowladda Federaalka ku wareejisay inay maamulaan doorashooyinka dalka. Waxaa dhici karta in la magacaabo guddi doorasho oo Koonfur Galbeed ah oo la shaqeeya kan qaranka.
