Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan ayaa maanta shaqo joojin ku sameeyay Madaxii Xafiiska Doorashooyinka Koonfur Galbeed ee Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha.
Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ayaa warqad uu soo saaray shaqada uga joojiyay Cabdifitaax Cabdullaahi Maxamed, iyadoo aan si cad warqadda loogu sheegin asbaabta shaqo joojin loogu sameeyay ninkaasi.
“Iyadoo la raacayo Xeerka Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee la xiriira Hannaanka Shaqada iyo Howlwadeennada GMDQS. Gudoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha wuxuu shaqo joojin ku sameeyay Cabdifitaax Cabdullaahi Maxamed, oo ahaa Madaxii Xafiiska Doorashooyinka Koonfur Galbeed ee Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.” Ayaa lagu yiri qoraalka ku qornaa warqadda.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay “Dhammaan hay’adaha wada shaqaynta kala dhaxeyso Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha waxaa laga rajeynaa in ay tixgeliyaan go’aanka shaqo joojinta guddiga ku sameeyay Madaxii Xafiiska Doorashooyinka Koonfur Galbeed ee GMDQS.”
Shaqo joojintan waxay u muuqataa xil ka qaadis iyo in aanu shaqada dib dambe ugu soo laaban doonin ninkaasi, iyadoo Cabdifitaax Cabdullaahi uu ahaa wakiil uu meesha keensaday Madaxweynihii Koonfur Galbeed ee is casilay, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), isla-markaana la shaqeynayay Guddiga Doorashooyinka Qaranka.
Tani ayaa waxay ku soo aadeysaa, xilli Dowladda Federaalka ay riixeyso doorashada qof iyo cod ee dhawaan lagu wado inay ka qabsoomto deegaanada Koonfur Galbeed.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka socdo dhaqdhaqaaq xoog leh oo loogu diyaargaroobayo Doorashada Koonfur Galbeed.