Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in canshuurta laga qaado Gobolka Banaadir wax laga siiyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in canshuurta Gobolka Banaadir ay tahay isha keliya ee lagu maareeyo baahiyaha aasaaska ah ee Qaranka Soomaaliyeed, isagoona xusay inaanu jirin meel kale oo wax uga yimaado.
“Dowladdan Qaranka Soomaaliyeed oo aad arkaysaan oo dhan oo wax walba u taagan la dagaalanka argagixisada, dhisidda dowladda, diblomaasiyadda caalamiga ah iyo intaad aragtay oo shaqaale ah. Diblomaasi laga soo bilaabo New York iyo Geneva fadhiya illaa lagu keeno gabadha laamiga noo xaaqeysa, inta u dhaxeyso shaqaalaha dowladda ee jooga mushaar ayaa la siiyaa.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo intaa raaciyay “Mushaarkaas la siiyo iyo waxa difaaca, amniga, ciidanka iyo waxa aad arkaysiin, waxa wax u ah oo dhan canshuurta Gobolka Banaadir laga qaado waaye, meel kale oo wax uga yimaadaan ma lahan.”
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in canshuurta Gobolka Banaadir wax laga siiyo in badan oo ka mid ah Dowlad Goboleedyada, wuxuuna sheegay in Dowladda Federaalka ay bixiso sideetan boqolkiiba kharashka Ciidanka Booliska ee jooga Saldhigyada Booliska ee Dowlad Goboleedyada.
“Canshuurtaas Gobolka Banaadir laga qaado ayaa Dowlad Goboleedyada in badan oo ka mid ah wax laga siiyaa, amnigoodana lagu sugaa. Saldhigyada Booliska ee Dowlad Goboleedyada ku yaala boqolkiiba sideetan (80%) booliska jooga Boolis Federaal oo Dowladda Federaalka ay bixiso waaye kharashkiisa.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa sheegay In badan dugsiyada ku yaala Dowlad Goboleedyada macalimiinta joogtaa ay yihiin kuwo ay mushaarkoodu bixiso Dowladda Federaalka.
“Marka waad garan kartaan culeyska inta uu le’egyahay.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhanka kale duray siyaasiyiinta qaar ee diidan in cashuurta Gobolka Banaadir qaybteed lagu bixiyo meelo ka baxsan gobolkaasi.
Madaxweynaha ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan in la is xisaabiyo, oo dadkana loo sheego meelaha ay lacagahaasi ku baxaan, laakiin aanu ninku siyaasi ku noqon in uu dadka ka dhaadhiciyo in canshuurta laga qaadaa lagu bixiyo wax aan kaabeyaashooda ahayn.
“Waa run in la is xisaabiyo oo war meeshaan lacagaa laga daldalee xagee lacagtii aadday, inteena xagee ku baxday, intaan kalena xagee ku baxday in la is yiraahdo way furan tahay, laakiin canshuurtii laga qaaday dadkeeda xagee ku dhamaatay inaad tiraahdid siyaasad ma ahan. Dadkan waa lagu xadgudbooyaa, dhibaa lagu hayaa inaad tiraahdid siyaasad ma ahan.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.