Home Wararka Caalamka Raysal Wasaaraha Israel oo sheegay inay beegsadeen warshadaha kiimikada Iran

Raysal Wasaaraha Israel oo sheegay inay beegsadeen warshadaha kiimikada Iran

by Laacib

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa caawa sheegay in Ciidamada Israel ay Sabtidan fuliyeen weeraro lagu qaaday xarumaha warshadaha kiimikada ee Iran.

Raysal Wasaaraha Israel ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay in weerarada lagu qaaday xarumaha kiimikada Iran uu yimid, ka dib markii Israel ay beegsatay sida uu yiri warshadaha birta laga sameeyo ee dalkaasi.

Waxa uu ku faanay in Israel ay hadda burburisay toddotaaban boqolkiiba (70%) ay awoodda Iran u leedahay inay birta ku sameyso.

“Ka dib markii toddobaatan boqolkiiba awoodda ay u leedahay inay ku sameyso birta oo loo isticmaalo sida alaabta ceeriin ee hubka naloo adeegsaday la burburiyay, maanta waxaan weerarnay warshadahooda kiimikada.” Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

Raysal Wasaare Netanyahu ayaa ku andacooday in goobaha la beegsaday ay yihiin isha ugu weyn ay lacagta caddaanka ka hesho Dowladda Iran.

“Labadan shay waa mishiinkooda lacagta, kaas oo lagu maalgeliyo dagaalkooda argagixisanimo ee ka dhanka ah annaga iyo adduunka.” Ayuu yiri Netanyahu.

Netanyahu ayaa ku hanjabay “Israel waxay sii wadi doontaa inay si adag u garaacdo Iran. Waan sii wadi doonnaa inaan garaacno iyaga, sidii aan ballanqaadayba.”

Dhanka kale Warbaahinta Iran ayaa ku warantay in ugu yaraan shan qof lagu dilay weerar ka dhacay agagaarka warshadda kiimikada Mahshahr ee Gobolka Khuzestan.

Warshadaha kiimikada ayaa ah tasiilaad warshadeed oo awood u leh inay batroolka iyo gaaska dabiiciga u bedelaan agabka muhiimka ah ee laga sameeyo ballaastikada, bacriminta, fiilooyinka, saabuunta iyo wax kastoo cinjirka ku saabsan.

Masuuliyiinta Iran ayaa horey u sheegay in goob kasta oo dalka ka mid ah oo la duqeeyo ay jiri doonaan goobo kale oo looga aarguto oo gobolka ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc