Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Baydhabo kula kulmay qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee deegaanada Koonfur Galbeed.
War ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay xoojinta nabadda iyo dib-u-heshiisiinta bulshada, adkeynta geeddi-socodka dimoqraadiyeynta, gurmadka abaaraha iyo horumarinta dowladnimada.
“Madaxweynaha ayaa odayaasha ku bogaadiyay doorkooda taariikhiga ah ee ilaalinta midnimada iyo wadajirka bulshada, xalinta khilaafaadka iyo taageerada dowlad-dhiska dalka, isaga oo adkeeyey muhiimadda wada shaqaynta dowladda iyo hoggaanka dhaqanka, si loo xaqiijiyo horumar iyo xasillooni waarta.” Ayaa lagu yiri warka.
Warka ayaa intaasi ku daray “Dhankooda, Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay booqashada iyo dadaalada joogtada ah ee Dowladda Federaalka ay ku bixineyso nabadaynta, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta deegaanada Koonfur Galbeed, iyaga oo muujiyay garab istaagooda qorsheyaasha qaran ee lagu xoojinayo dowladnimada iyo dimoqraadiyadda dalka.”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Jimcihii gaaray Baydhabo, si uu u taageero is bedelka ka dhacay magaaladaasi, uuna u xoojiyo dardargelinta doorashada qof iyo cod ee dhawaan lagu wado inay ka qabsoomto Koonfur Galbeed.
