Madaxweyne Donald Trump ayaa xaqiijiyay in uu dhaawacyo qabo duuliyaha Mareykanka ee laga soo samatabixiyay dalkaasi Iran, ka dib hawlgal halis ah oo habeenimo oo laga sameeyay gudaha Iran.
Duuliyaha oo ka tirsan Ciidanka Cirka Mareykanka ayaa la socday diyaarad F-15 ahayd oo Jimcihii lagu soo riday Koonfurta Iran.
Hawlgalka samatabixinta ayaa waxaa ka qayb qaatay boqolaal ka mid ah Ciidanka Gaarka Mareykanka iyo tobaneeyo diyaaradood, sida uu sheegay Madaxweynaha Mareykanka.
“Ma jirin wax khasaare ah oo soo gaaray kooxda badbaadada.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo intaa raaciyay “Sarkaalka la soo badbaadiyay ayay dhaawacyo soo gaareen, laakiin wuu fiicnaan doonnaa.”
Madaxweynaha ayaa bartiisa Truth Social kaga warbixiyay xaaladda duuliyaha, ka hor shirka jaraa’id ee lagu wado inuu Isniinta ku faah faahiyo hawlgalka.
Kumaandooska Mareykanka ayaa la sheegay inay xalay ka hawlgaleen dhulka Iran, iyadoo la baadigoobayo duuliyaha ku qarsoomay dalkaasi, waana hawlgalkii ugu horreyay ee ceynkiisa ah ay ka sameeyaan dalkaasi, muddada uu socdo dagaalka Mareykanka iyo Israel ee ka dhanka ah Iran.
Saraakiisha Mareykanka ayaa laga soo xigtay inay Ciidamada Mareykanka ku guuleysteen in ay duuliyaha ka soo saaraan dalkaasi, ka dib waxa lagu sheegay mid ka mid ah samatabixintii ugu dhibka badneyd ee soo mara taariikhda hawlgalada gaarka ah ee Mareykanka.
Badbaadinta ayaa daba socotay tartan nolol ama geeri ah oo u dhaxeeyay Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Iran oo socday muddo laba maalmood ah. Iran ayaa waxay dhinaceeda si weyn u baadigoobeysay duuliyaha.
Trump ayaa qiray in hawlgalku uu ahaa mid halis ah, oo ay adkeyd in waqti habeen ahi laga sameeyo dhulka Iran, iyadoo uu dagaal socdo.
Trump ayaa ka baxsanayay inuu duuliyuhu u gacan galo Iran, si aan Mareykanka loogu khasbin in uu dib u gurasho ka sameeyo dagaalka.
Haddii Iran ay gacanta ku dhigi lahayd duuliyaha American-ka ayaa wuxuu noqon lahaa, waxa ugu weyn ee ay Tehran ku gorgortanto. Guusha laga gaaray hawlgalka lagu soo badbaadiyay duuliyaha ayaa waxay ka dhigan tahay daqiiqad guul ah oo u soo hooyatay Madaxweyne Trump.
Duuliyaha ayaa la helay maalin ka hor waqtiga kama dambeysta ah ee Trump uu u qabtay in lagu beegsan karo xarumaha tamarta Iran, haddii aysan Tehran furin Marinka Hormuz, taas oo ay suurtagal tahay inay keento in dagaalka uu weji cusub yeesho. Iran waxay wacad ku martay inay garaaci doonto warshadaha saliidda ee gobolka oo dhan, haddii kaabeyaasheeda muhiimka ah la duqeeyo.