Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in Talaadada ay noqon doonto maalinta la weerarayo xarumaha korontada Iran, isagoo daba jooga waqtigii uu horey ugu qabtay Iran oo ku eg maalinta Isniinta oo 6-da bisha April ah.
Madaxweynaha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social waxa uu Iran kaga dalbaday inay muddadasi ku furto Marinka Hormuz, haddii kalena si xun loo garaaci doono.
Madaxweyne Trump ayaa isagoo aflagadeynaya Iran ugu yeeray inay furto marin biyoodka Hormuz ama ay wajahdo cadaab, isagoona ka digay in waxa soo socda ay noqon doonaan wax aanan hore loo arag, taas oo macnaheedu yahay in aan lala barbar-dhigi karin waayo-aragnimada laga haysto dagaalka hadda socda.
Hanjabaadda Trump ayaa loo fasirtay inaanan laga baaqsan doonin garaacista kaabeyaasha Iran, haddii uu sii xirnaado marinka ay ka gudbaan maraakiibta ganacsiga caalamiga ah.
Trump ayaa hore laba jeer dib u dhigay waqtiga loo qabtay Iran, wuxuuna u sababeeyay in ay jiraan wada hadalo u dhaxeeya Mareykanka iyo Iran, ha yeeshee Saraakiisha Iran ayaa si cad u diiday dalabka Trump ee furitaanka Hormuz.
Iran ayaan ogolaan karin inay dib u furto Marinka Hormuz, illaa iyo inta ay sii socdaan weerarada uga imanaya Ciidamada Mareykanka iyo Israel.
Iran ayaa waxay khad cas oo laga soo gudbay u aragtaa in la weeraro kaabeyaasheeda dhaqaalaha, waxayna digniinteeda joogtada ah ay tahay in xarun la garaacaa ay xarun leedahay.
Iran oo fahamsan in dalku uu xilli adag ku jiro waxay marar badan sheegtay in aysan badbaadi doonin warshadaha saliidda ee gobolka oo dhan, haddii la beegsado kaabeyaasha rayidka ee dalkaasi.
Trump ayaa wuxuu ogyahay in cawaaqib daran uu ka dhalan karo, haddii bartilmaameed laga dhigto xarumaha korontada Iran, waxayna cid walba qiyaasi kartaa inaanu hawlgalka noocaasi ah keeni karin in la helo Hormuz oo xor ah, isla-markaana nabdoon.
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron oo ugu dambeeyay ayaa sheegay in habka ugu wanaagsan ee lagu heli karo xorriyadda socdaalka maraakiibta ee Hormuz uu yahay wada hadal lala galo Iran, laakiin Trump ayaa doonaya in la furo Hormuz, iyadoo aan dagaalka la joojin.
Maamulka Trump ayaa waxaa caqabad ku ah xanibaadda Iran ee marinka sahayda tamarta adduunka, marka aad eegto in sicirka saliidda ee suuqyada caalamiga ah uu sii kordhayo, waana tan keeneysa inaanu joojin hanjabaaddiisa ku aaddan in la burburin doono kaabeyaasha dalkaasi.
Iran waxay la socotaa in xirnaanshaha Hormuz uu yahay dabar adag amaba caqabad weyn oo aanu Trump ka gudbi karin, si ay ugu cadaadiso inuu dagaalka ka baxo.
24-ka saacadood ee soo socda ayaa waxay noqon karaan kuwo muhiim ah, oo lagu go’aaminayo in isku dhacu uu sii xumaanayo amaba la gaaro heshiis suurtagal ah.