Home Wararka Maanta Hubka oo laga mamnuucay Baydhabo, iyadoo militarigana la faray inay banneeyaan magaalada

Hubka oo laga mamnuucay Baydhabo, iyadoo militarigana la faray inay banneeyaan magaalada

by Laacib

Iyadoo ay socdaan dadaalo lagu adkeynayo amniga Magaalada Baydhabo ayaa waxa uu Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu maanta soo saaray amar hubka looga mamnuucayo magaaladaasi.

Amarka ayaa si gaar ah u taabanaya in cid aan ahayn ciidamada ka shaqeeya amniga, sida Booliska iyo Nabad Sugidda aanay habeenkii wax hub ah ku dhex qaadan karin magaalada.

Ciidamadii Militariga ee 30-kii bishii March hawlgalka kula wareegay gacan ku haynta magaalada ayaa iyana la faray inay taggaan duleedyada magaalada, halka maleeshiyadii dadka deegaanka ee loo abaabulay inay ciidamada ka taageeraan hawgalkan lagu wargeliyay inay xeryahooda ku ekaadaan, illaa iyo inta laga qarameynayo.

Amarkan ayaa soo baxay wax yar uun ka dib, markii Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Asad Cismaan Cabdullaahi uu magaalada kula kulmay Saraakiisha Ciidanka Booliska ee Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed Koonfur Galbeed ee ku sugan Baydhabo.

Afhayeenka Ciidanka Booliska, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa geba-gabadii kulankaasi Warbaahinta u sheegay in la go’aamiyay in Ciidanka Booliska ay la wareegaan amniga guud ee magaalada, isla-markaana ay Ciidanka Xoogga Dalka taggaan magaalada bannaankeeda.

Afhayeenka ayaa sheegay in Taliyaha Ciidanka Booliska uu Saraakiisha Booliska faray inay iskaashadaan Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda, isla-markaana ay tallaabo ka qaadaan cid kastoo sharciga liddi ku ah.

“Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu Saraakiisha faray in caddaaladda la waafajiyo dadka dembiyada galay maalmihii dhawaa ee ay Ciidanka Booliska gacanta ku dhigeen, lana horgeeyo maxkamadaha awoodda u leh.” Ayuu yiri Afhayeenka oo intaasi ku daray “Ciidamada maleeshiyaadka ah ama kuwa Badbaadada Koonfur Galbeed ee magaalada yimid-na waxaa la faray inay xeryahooda ku ekaadaan, inta uu socdo hannaanka loogu biirinayo Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Booliska.”

Amarkan ayaa ah mid lagu sii xoojinayo amniga magaalada, ka dib is bedelkii dhawaan ka dhacay Baydhabo ee suurtageliyay in meesha laga saaro Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc