Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya, Axmed Macalin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuuud ayaa galabta booqday qaar ka mid ah fariisimaha ay Ciidamada Militariga ku leeyihiin Magaalada Baydhabo, sida lagu sheegay war caawa ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga.
“Booqashadan ayaa qayb ka ah kormeerro joogto ah oo lagu xaqiijinayo xaaladda ciidanka, dardargelinta sugidda amniga, hawlgalada dalka looga sifeynayo argagixisada iyo xoojinta isku-duubnida Ciidamada Qaranka.” Ayaa lagu yiri warka.
Warka ayaa lagu sheegay in Wasiir Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ay kulan la qaateen Saraakiisha Ciidamada ee ku sugan Baydhabo, isla-markaana ay si toos ah ula hadleen askarta, ayna ku bogaadiyeen geesinimada iyo naf hurnimada ay muujiyeen, intii uu socday hawlgalkii ay dhawaan isugu fureen waddada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo.
“Wasiirka iyo Taliyaha ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada ku sugan Baydhabo, waxayna sidoo kale si toos ah ula hadleen askarta, kuna bogaadiyeen geesinimada iyo naf hurnimada ay muujiyeen, gaar ahaan hawlgalada furitaanka waddada istiraatiijiga ah ee isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, taas oo muhiim u ah isu socodka shacabka iyo ganacsiga dalka.” Ayaa lagu yiri warka.
Dhanka kale Wasiir Fiqi iyo Taliyaha Militariga ayaa isla galabta kormeer ku tegay Xerada Tababarka Ciidanka Xoogga Dalka ee Baydhabo, taas oo dhismaheeda lagu hirgeliyay taageerada Ingiriiska.
“Masuuliyiinta ayaa indha-indhayn ku sameeyay qaybaha kala duwan ee xarunta, iyagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dib loo bilaabo Tababarada Ciidamada Xoogga iyo horumarinteeda, si loo dhiso ciidan leh tayo iyo xirfad, kaas oo qayb ka noqanaya hawlgalada argagixisada lagu la dagaalamayo iyo difaaca dalka.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga wararka ee Wasaaradda Gaashaandhiga.
Militariga Somaliya ayaa maalintii Isniinta ee bishii March 30-keedii hawlgal ballaaran kula wareegay gacan ku haynta Magaalada Baydhabo, iyadoo uu hawlgalkaasi horseeday in uu is casilo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Kormeerka masuuliyiinta ee fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Baydhabo ayaa u muuqdo mid loogu gogol xaarayo qorshaha socda ee militariga looga wada saarayo magaalada, laguna gaynayo bannaanadeeda.
