Home Wararka Caalamka Mareykanka iyo Iran oo loo soo bandhigay hindise xabad joojin ah

Mareykanka iyo Iran oo loo soo bandhigay hindise xabad joojin ah

by Laacib

Dowladda Pakistan ayaa dardargelineysa dadaalada xalka loogu raadinayo colaadda Bariga Dhexe ee ay ku lugta leeyihiin Mareykanka iyo Israel oo isku dhinac ah iyo Iran, ka hor inta aan la gaarin saacadda ugu dambeysa ee Madaxweyne Donald Trump uu u qabtay Iran inay ku furto Marinka Hormuz, haddii kalena la burburin doono xarumaha tamarta ee dalkaasi.

Hanjabaadda Trump ee ah in Talaadada la garaaci doono xarumaha korontada Iran iyo digniinta Iran ee ku saabsan inay iyaduna ololin doonto dhammaan warshadaha saliidda ee gobolka ayaa halis ku ah inuu dagaalku sii fido, taasna ay cawaaqib ba’an ku yeelan doonto sahayda tamarta adduunka iyo sicirka saliidda ee suuqyada caalamka, waana tan keeneysa in la raadiyo xal lagu joojin karo dagaalkan.

Diblomaasiyiinta Pakistan ayaa Warbaahinta caalamiga ah u sheegay in Islamabad ay Tehran iyo Washington u soo bandhigtay hindise si degdeg ah loogu joojinayo dagaalka, laguna furayo marin biyoodka Hormuz.

Wakaaladda Wararka Reuters oo soo xiganeysa ilo xog ogaal ah ayaa Isniintan sheegtay in dhinacyada loo soo bandhigay hindisaha xabad joojinta, ka dib wada hadalo dadban oo Pakistan ay garwadeen ka ahayd.

Goor sii horreysay ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in Saraakiisha Pakistan ay xalay gudbiyeen qodobo aasaasi ah oo keenaya in la helo xabad joojin ku-meel-gaar ah, qodobadaas oo ka baxsan shuruudihii labada dhinac ay ku gorgortamayeen.

Warbaahinta gobolka iyo tan caalamkaba ayaa ka faalloonaya xabad joojin 45 maalmood ah, oo sida la sheegay miiska saaran, taasoo lagu gaarayo in la helo heshiis si dhameystiran loogu soo afjarayo colaadda Bariga Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in dhinacyadu ay weli dersayaan qaab dhismeedka hindisaha xabad joojinta ee Pakistan ay riixeyso, isla-markaana laga doonayo in ay si dhakhsa ah uga soo jawaabaan, si saacadaha dhow loogu dhawaaqo in heshiis la gaaray.

Hindisaha Islamabad ayaa taageeraya in si aan daah lahayn loo dhaqangeliyo xabad joojinta, marka lagu dhawaaqo heshiiska, labaatan maalmood gudahoodna lagu gaaro heshiis si buuxa loogu dhameynayo dagaalka.

Heshiiska xabad joojinta ku-meel-gaarka ah ayaa loo arkaa dhiig joojin iyo fursad lagu gaari karo heshiis damaanad leh, oo ka hortagaya in dhinacyadu ay mar kale isku dhacaan, waa haddii ay aqbalaan wejiga koowaad ee hindisaha heshiiska ee hadda horyaalla.

Dagaalka Bariga Dhexe ayaa abuuray walaac caalami ah, mana jirto wax dan ah oo dunida oo idil ugu jira sii socoshada dagaalkan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc