Gudoomiyaha Golaha Midowga Yurub, Antonio Costa ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in la duqeeyo kaabeyaasha rayidka sida xarumaha tamarta, iyadoo lagu sii dhawaanayo waqtiga uu Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump u qabtay Iran inay dib ugu furto Marinka Hormuz, haddii kalena la burburin doono xarumaheeda tamarta.
Gudoomiyaha Golaha Midowga Yurub ayaa wax sharci darro ah ku tilmaamay bartilmaameedyada ka dhanka ah goobaha rayidka, oo loo tixgeliyo in ay yihiin goobo ka caagan falalka militari.
In si ula kac ah loo beegsado kaabeyaasha rayidka, oo ay qayb ka yihiin xarumaha wax soosaarka, waddooyinka, iskuulada, isbitaalada, goobaha waxbarashada iyo cibaadada ayaa ah wax ka caagan dagaalada, waana dembi dagaal, marka loo eego sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.
“Dadka rayidka ah ee Iran ayaa ah dhibanaha ugu weyn ee Maamulka Iran. Waxay sidoo kale noqon doontaa dhibanaha ugu weyn ee ballaarinta ololaha militariga.” Ayuu yiri Antonio Costa, Gudoomiyaha Golaha Midowga Yurub.
Mr. Costa ayaa yiri “Midowga Yurub waxa uu Iran ugu baaqayaa in ay si degdeg ah u joojiso weerarada ka dhanka ah dalalka gobolka iyo in ay ogolaato in dib loo soo celiyo xorriyad buuxda oo maraakiibta ay ku maraan marin biyoodka Hormuz.”
Costa ayaa sheegay in colaadda aysan keeni doonin xabad joojin iyo nabad, isagoo intaasi ku daray in wada hadalku uu yahay kan keliya ee sidaasi lagu xaqiijin karo.
“Ka dib shan todobaad oo dagaal uu ka socday Bariga Dhexe, waxaa cad in xal diblomaasiyadeed oo keliya lagu xalin karo sababaha asalka u ah.” Ayuu yiri Costa.
Cabsida ka jirta Bariga Dhexe ayaa cirka isku sii shareertay, ka dib markii Madaxweyne Donald Trump uu Axaddii ku dhawaaqay in Talaadada la beegsan doono xarumaha tamarta iyo buundooyinka Iran, haddii aysan Tehran furin Hormuz.
Masuuliyiinta Iran ayaa waxay wacad ku mareen in ay si dhakhsa ah uga aargudan doonaan, haddii la weeraro kaabeyaashooda dhaqaalaha. Ciidamada Qalabka Sida ee Iran ayaa la sheegaya in ay isha ku hayaan warshadaha saliidda ee gobolka, isla-markaana ay sugayaan inta uu Mareykanku ka bilaabayo dagaalka ilaha tamarta.
Trump ayaa la sheegaya in uu hoggaamiyeyaasha caalamka ka helayo farriimo Aqalka Cad looga dalbanayo inaanay Militariga Mareykanku garaacin xarumaha tamarta Iran, si aysan xaaladdu faraha uga sii baxan.
Dunida ayaa waxay ka xumaan doontaa, haddii ay dhinacyadu dagaalkooda ku fidayaan kaabeyaasha rayidka, oo ay ku jiraan warshadaha saliidda iyo ilaha kale ee dhaqaalaha gobolka.
Tani ayaa culeys ku noqon doonto wax soosaarka warshadaha iyo dhoofka saliidda, waxayna keeneysaa in ay hoos u dhacdo sahayda tamarta adduunka iyo in uu sii kordho qiimaha batroolka iyo gaaska ee suuqyada caalamka.