Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo Baydhabo kula kulmay Taliyeyaasha Ciidamada (SAWIRRO)

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Baydhabo kula kulmay Taliyeyaasha Ciidamada (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Baydhabo ku shir guddoomiyay shir gaar ah, oo looga hadlayay amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ka dib is bedelkii maamul ee 30-kii bishii March ka dhacay magaaladasi.

War ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in shirka diiradda lagu saaray xaaladda amniga deegaanka, maareynta is bedeladii amni & maamul ee ka dhacay Baydhabo iyo xaqiijinta hannaan caddaaladeed oo loo siman yahay.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shirka warbixinno faah faahsan uga dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Saraakiisha hay’adaha ammaanka, kuwaasi oo soo bandhigay qorsheyaasha lagu sugayo amniga deegaanka, dardargelinta hawlgalada ka dhanka Khawaarijta iyo kor u qaadidda wada shaqaynta hay’adaha kala duwan ee amniga.” Ayaa lagu yiri warka caawa ka soo baxay Madaxtooyada Somaliya.

Warka ayaa intaasi ku daray “Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeeyay Masuuliyiinta iyo Saraakiisha hay’adaha amniga muhiimadda ay leedahay in si mideysan looga shaqeeyo ilaalinta amniga, xakamaynta ciidamada hubeysan ee aan shaqada ka haynin gudaha magaaalada, xoojinta kalsoonida shacabka iyo taageerada ay bulshada u hayaan hay’adaha dowliga ah.”

Ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka ay toddobaadkii hore la wareegeen gacan ku haynta Magaalada Baydhabo ayaa waxaa magaaladaasi laga soo sheegay falal lagu dilay tiro dad ah.

Ciidamada amniga ayaa dhowr qof u soo qabtay dilalkaasi, wuxuuna Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute) uu sheegay in dadkaasi la maxkamadayn doono.

Kulankan ayaa ah mid uu Madaxweynaha Dowladda Federaalka ku xoojinayo dadaalada ay laamaha amniga ku adkeynayaan amniga magaalada.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Asad Cismaan Cabdullaahi, Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Korneyl Shuute, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Qaranka, Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari), Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi iyo masuuliyiin kale.

Si kastaba ha-ahaatee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo Jimcihii ku sugan Baydhabo, isagoona halkaasi u jooga dardargelinta doorashada lagu wado inay dhawaan ka dhacdo Koonfur Galbeed, taasoo macno u leh dowladdiisa.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc