Taliska Militariga Israel ayaa Jimcihii sheegay inay ciidamadoodu dileen 1,400 oo nin oo ka tirsan Xoogaga Ururka Xisbullah, tan iyo markii dagaalka ay kula jiraan uu dib u soo cusboonaaday 2-dii bishii March.
Militariga Israel ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in dagaal-yahanada la dilay ay ku jiraan boqolaal xubnood oo ka tirsan Guutooyinka Radwan.
Guutooyinka Radwan waa ciidan si gaar ah u tababaran oo Xisbullah ay leedahay, waana isha aqoonta gantaalada ay Xisbullah ku weerarto Waqooyiga Israel, waana kuwa qaabeeya oo diyaariya hawlgalada ka dhanka ah cadowga.
Dhanka kale Militariga Israel ayaa sheegay in la burburiyay 4,300 goobood oo ka mid ah kaabeyaasha Xisbullah ee gudaha Lubnaan, isla-markaana ay ciidamadu la wareegeen in ka badan 1,000 qoryaha Xisbullah ah, intii lagu jiray hawlgalka dhinaca dhulka ee ay ka wadaan Koonfurta Lubnaan.
“Arbacadii, Ciifanka Cirka Israel ayaa garaacay 120 goobood oo Xisbullah ku leedahay Koonfurta Lubnaan, si ay meesha uga saaraan khataraha ciidamadeeda.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Militariga Israel.
Israel ayaa Arbacadii ballaarisay weerarada xagga cirka ay ka fulineyso Lubnaan, ka gadaal markii Mareykanka iyo Iran ay habeenkii Talaadada ku heshiiyeen xabad joojin ku-meel-gaar ah oo laga sameeyo Bariga Dhexe, oo ay ku jirto Lubnaan.
Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa xaqiijisay in 303 qof ay ku dhinteen weeraradii Arbacadii, taasoo ay wasaaraddu sheegtay in tirada dadka rayidka ah ee Israel dishay ay ka dhigeyso 1,800 oo qof, muddada uu dagaalkan socdo.
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ka horyimid baaqyada caalamiga ah ee looga dalbanayo in la joojiyo weerarada ka dhanka ah Lubnaan, si aysan caqabad ugu noqon wada hadalada soo socda ee ka dhacaya Magaalada Islamabad.
Netanyahu ayaa ku hanjabay inay Israel sii wadi doonto weerarada ay ku hayso Xisbullah, illaa iyo inta ay ka xaqiijineyso ujeedooyinkeeda dagaalka, oo ah inay hubka ka dhigto ururkaasi.
Xisbullah waa mid ka mid ah ururada hubeysan, isla-markaana ugu saamaynta badan ee ka jira Bariga Dhexe.