Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay wada hadalada Mareykanka iyo Iran ee Islamabad

Wararkii ugu dambeeyay wada hadalada Mareykanka iyo Iran ee Islamabad

by Laacib

Ergooyinka Iran iyo Mareykanka uga qaybgelaya wada hadalada ayaa gaaray Magaalada Islamabad, halkaas oo la qorsheeyay in uu maanta uga furmo gorgortan sare oo Dowladda Pakistan ay dhexdhexaadineyso, ka dib xabad joojintii labada toddobaad ee Pakistan garwadeenka ka ahayd ay labada dal ku heshiiyeen Talaadadii.

Wafdiga Iran oo uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka ee dalkaasi, Mohammad Bagher Ghalibaf ayaa gaaray Caasimadda Islamabad. Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka, JD Vance oo sidoo kale horkacaya wafdiga Washington ayaa ka degay magaaladaasi.

Raysal Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif ayaa ku dhawaaqay in Tehran iyo Washington ay u soo diyaargaroobeen wada hadalada la doonayo in xalka loogu helo colaadda Bariga Dhexe, inkastoo ay jiraan caqabado ku horgudban wada-xaajoodka.

Farqiga u dhaxeeya labada dhinac iyo mowqifka ay ku adkeysanayaan ayaa waxaa suurtagal ah in ay dib-u-dhigaan wada hadalada la filayo.

Dhinacyada ayaa midba midka kale u jeediyay eedeymo la xiriira inuu jebiyay shuruudaha horudhaca ah ee xabad joojintii la isla qaatay habeenkii Talaadada. Gudoomiyaha Baarlamaanka Iran, Mohammad Bagher Ghalibaf ayaa sheegay in Mareykanka looga baahan yahay inuu marka hore fuliyo dalabka Iran ee ku saabsan in ay Israel joojiso weerarada Lubnaan, inta aanu furmin shirka nabadda ee Islamabad.

“Mareykanku waa inuu aqbalo xuquuqda Iran, haddii uu doonayo heshiis.” Ayuu yiri Ghalibaf oo intaasi ku daray in Iran ay niyad u hayso wada hadalada, walow aysan ku kalsoonayn sida uu yiri Mareykanka. Ghalibaf ayaa Mareykanka ku eedeeyay inuu ku guuldareystay in uu fuliyo ballanqaadkiisii, wixii lagu heshiiyay wejiga koowaad ee xabad joojinta.

JD Vance, Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka oo hadlay ka hor inta aanu u safrin Islamabad ayaa yiri “Iran uma muuqato inay garwaaqsatay inaysan haysan wax karaar ah.”

Vance ayaa Madaxda Iran ugu yeeray inay si dhakhsa ah u furaan marin biyoodka Hormuz, kaas oo sida uu yiri qayb ka ah xabad joojinta 15-ka maalmood.

“Haddii Iraaniyiintu ay diyaar u yihiin wada hadalada, waa inay si niyad sami ah u gorgortamaan, waxaana xaqiiqdii diyaar u nahay inaan fidino gacan furan.” Ayuu yiri Vance.

Iran ayaa diiday inay dib u furto Marinka Hormuz oo ku jiray qorshaha xabad joojinta ku-meel-gaarka ah, go’aankeedaasi oo ka carreysiiyay Madaxweyne Donald Trump oo ka digay in uu sii xirnaado marinkaasi. Tehran ayaa u muuqato inay tani kaga aargudaneyso xabad joojinta la diidan yahay in laga sameeyo dhulka Lubnaan.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa Saraakiisha Pakistan ka soo xigatay in dalku uu diyaar u yahay inuu martigeliyo wada hadal mira-dhala, laakiin uu jiro farqi aad u kala fog, kaasoo caqabad ku noqon kara wada hadalada soo socda, haddii aysan dhinacyadu tanaasul samayn.

Pakistan ayaa u diyaargarowday inay dhexdhexaadiye ka noqoto wada hadalo xasaasi ah, lamana oga tallaabada ay qaadi karto, si ay dhinacyada isugu keento miiska wada hadalka.

Raysal Wasaare Shehbaz Sharif ayaase la filayaa in uu wada hadalo gaar gaar ah la yeesho dhinacyada, si uu bal isugu dayo in wada hadalada la dhaqajiyo.

Wada hadalada Islamabad ayaa muhiim u ah in la maareeyo xiisadda Mareykanka iyo Iran ee xasillooni darrada baahsan ka abuurtay Gobolka Bariga Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc