Home Wararka Maanta Madaxweyne Guudlaawe oo la kulmay Ururka JSP ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaamiyo

Madaxweyne Guudlaawe oo la kulmay Ururka JSP ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaamiyo

by Laacib

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa caawa Magaalada Muqdisho kula kulmay Xubnaha Fulinta ee Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu hoggaamiyo, ka dib khilaaf toddobaadkii hore soo kala dhex galay labada dhinac, inkastoo markii dambe wada hadal lagu dhameeyay.

Wararka ayaa sheegaya in khilaafkan uu yimid, ka dib markii Madaxweynaha Hirshabelle uu garowsaday in Villa Somalia ay booskiisa u waddo nin kale, isla-markaana aysan ka gacan siineyn dib u doorashadiisa, taas oo keentay in uu albaabada isugu laabo Xafiiskii Urur Siyaasadeedka JSP ee Magaalada Jowhar, natiijadeedana ay noqotay boqolaal askari oo Dowladda Federaalka ay u dhaqaajisay dhinaca Jowhar.

“Kulanka ayaa diirrada lagu saaray, sidii loo dardargelin lahaa doorashada JSP ee deegaanada iyo degmooyinka Dowladda Hirshabelle.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabelle.

Warka ayaa lagu sheegay “Waxaan idiinku boorinayaa shaqadda Xisbiga JSP iyo in guulo laga soo hooyo guud ahaan doorashada qof iyo codka.”

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, Duqii hore ee Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale, Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu, Xildhibaan Maxamed Cabdiqaadir Maxamed iyo Xildhibaan Maxamed Sheekh Axmed Maxamed oo saddexduba ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo weliba Xubnaha Fulinta ee Ururka JSP, iyadoo Madaxweyne Guudlaawe uu qudhiisu yahay xubin ka tirsan ururkaasi.

Ururka JSP ayaa si weyn ugu ololeynaya doorashada tooska ah ee lagu wado inay 13-ka bisha soo socoto ee May ka qabsoomto deegaanada Hirshabelle.

Ma cadda in Madaxweyne Guudlaawe uu yahay musharaxa JSP ku meteli doona doorashada madaxtinimada Hirshabelle iyo in kale.

Guudlaawe ayaa mar kale u sharaxan jegada Madaxweynaha Hirshabelle, waxaana iska cad in si iskiis ah aanu ugu soo laaban karin xafiiska, haddii aysan Madaxda Dowladda Federaalka taageerayn.

Garab istaaga Madaxda Qaranka oo keliya ayaa ka caawin karta in uu ku guuleysto doorashada soo socota.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc