Home Wararka Caalamka Tartanka Koobka Adduunka ee 2026 oo ka furmay Mexico City

Tartanka Koobka Adduunka ee 2026 oo ka furmay Mexico City

by Laacib

Tartanka Koobka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA 2026 ayaa caawa caweyskii ka furmay dalkaasi Mexico, saacadda Geeska Afrika markay ahayd 10:00pm, kuna beegan 1:00pm waqtiga maxaliga ee Mexico.

Tartankan ayaa ka furmay Garoonka Kubadda Cagta Estadio Azteca ee Caasimadda Mexico City, waxaana lagu daahfuray Xulalka Mexico iyo South Africa oo ku wada jira Group A.

Koobka Adduunka ee FIFA oo afartii sannaba mar la qabto ayaa waxaa sanadkan wada martigelinaya dalalka Mexico, Mareykanka iyo Canada.

Koobka Adduunka ee FIFA 2026 ayaa ah tartankii ugu weynaa ee taariikhda, waxaana ka qaybgelaya 48 xul oo loo qaybiyay 12 Group oo min afar ah.

Dhacdadan ayaa waxay ka kooban tahay 104 ciyaarood oo 16 magaalo lagu qabanayo. Labada kooxood ee ugu sarreya Group walba iyo sideedda kooxood ee ugu fiican kaalinta 3aad ayaa u gudbaya wareegga 32-ka.

Tartanka ayaa lagu wadaa in 19-ka bisha July lagu soo geba-gabeeyo Garoonka Kubadda Cagta MetLife ee dalkaasi Mareykanka, halkaas oo ciyaarta finalka ay ku ciyaari doonaan labada kooxood ee isugu soo hara tartankaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc