Home Wararka Caalamka Kooxo hubeysan oo markab nooca shidaalka ka qafaashay biyaha Yemen

Kooxo hubeysan oo markab nooca shidaalka ka qafaashay biyaha Yemen

by Laacib

Kooxahan oo lala xiriirinayo burcad badeedda Soomaalida ayaa kor u fuulay oo qabsaday markabkan, xilli uu marayay biyaha Yemen.

Markabka oo lagu magacaabo Asana ayaa ah markab nooca shidaalka qaada, waxaana falka lagu afduubtay uu Jimcihii ka dhacay Gacanka Cadmeed.

Taliska Ciidanka Ilaalada Xeebaha Yemen ayaa sheegay in weerarku uu ka dhacay meel 26 nautical miles (48km) u jirta Gobolka Hadramawt.

Hay’adda La socodka Ganacsiga Badda ee Britain (UKMTO) ayaa sheegtay in markabka si sharci darro ah loogu fuulay meel 65 nautical miles koonfur ka xigta Dekedda Mukalla ee Yemen.

UKMTO waxay sheegtay in shaqaale aan fasax haysan ay fuuleen markabka Asana oo shidaal siday, waxayna maraakiibta ganacsiga ee aagga ka ag-dhow ku boorisay inay taxadaraan, isla-markaana ay soo sheegaan dhaqdhaqaaqyada laga shakiyo.

Wararka ayaa sheegaya in markabka oo aan lahayn calan la xaqiijiyay uu safarkiisu ku wajahnaa Dekedda Magaalada Boosaaso ee Somaliya.

Dowladda Yemen ee fadhigeedu yahay Magaalada Cadan ayaa sheegtay inay isku-dubaridayaan howlaha ay la wadaan saaxiibada caalamiga ah iyo hay’adaha badda ee gobolka, si loo xaqiijiyo xaaladda markabka shidaalka wada, loona la socdo dhaqdhaqaaqiisa.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Badda Midowga Yurub ee Hawlgalka Aspides ee ka hawlgala Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa Wakaaladda Wararka Reuters u sheegay in uu socdo dadaalo lagu caawinayo markabka iyo in la ogaado xaaladda ku xeeran dhacdadaasi.

Shirkadda Amniga Badda ee Britain (Ambrey) ayaa sheegtay in aysan wax ilaalo ah la socon markabka, xilligii dhacdadu dhacday.

Ambrey ayaa war ay xalay soo saartay ku sheegtay in la tuhunsan yahay in kooxaha weerarka gaystay ay yihiin burcad badeed.

Weerarka afduubka ee markabka Asana ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo amniga Badda Cas iyo marin biyoodka Hormuz ee dhinaca kale ku yaala, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay khataro ku wajahayeen gaadiidka xamuulka ee qaada batroolka iyo gaaska laga raro Bariga Dhexe ee loo iibgeeyo dunida.

Kooxaha burcad badeedda Soomaalida ayaa lacago madax furasho ah weydiista shirkadaha iska leh maraakiibta ay soo qafaashaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc