Mareykanka ayaa bartilmaameedyada ugu badan ka gaysanaya Gobolka Hormozgan, marka loo eego weerarada ay ciidamadiisa ka fulinayaan Koonfurta Iran.
Militariga Mareykanka ayaa toddobaadkan dardargeliyay weerarada ay ka wadaan Koonfurta Iran, iyagoo si gaar ah u beegsanaya goobaha muhiimka ah ee Gobolka Hormozgan.
Ololaha weerarada xagga cirka ayaa labadii habeen ee ugu dambeeyay lagu burburiyay buundooyin waaweyn, xarumo koronto iyo weliba waddooyin tareen.
Bartilmaameedyada ay garaaceen Ciidamada Mareykanka ayaa waxay si toos ah u saameeyeen buundooyinka isku xira magaalada dekedda leh ee Bandar Abbas iyo bartamaha dalka, waxayna sidoo kale burburiyeen taawarada ilaalada badda.
Duqaymo ay Ciidamada Mareykanka ka fuliyeen deegaanka Bonji, oo ah deegaan xeebeed ku yaala Gobolka Hormozgan ayaa lagu bartilmaameedsaday xarun koronto iyo mid ka mid ah warshadaha sifeeya biyaha la cabo, taasoo sababtay inuu go’o adeeggii biyaha iyo korontada ee illaa 20 tuulo.
Saraakiisha Iran ayaa sheegay in duqaymaha Mareykanka ay gaysteen khasaare nafeed, oo ay jiraan dad rayid ah oo ku dhintay iyo kuwa kale oo ku dhaawacmay duqaymahaasi.
Qorshaha Maamulka Madaxweyne Trump ayaa ah in Ciidamada Iran laga fogeeyo deegaanada dhulka xeebta ee ku teedsan marin biyoodka Hormuz.
Tallaabooyinka uu Mareykanku ku beegsanayo kaabeyaasha rayidka ayaa calaamad u ah in dagaalku uu ka gudbay xarumaha iyo saldhigyada militariga.
In si ula kac ah loo beegsado kaabeyaasha rayidka ayaa ah dembi dagaal, sida ku cad sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa Mareykanka ku eedeysay inay ku xadgudbeen sharciga caalamiga ah, isla markaana ay gaysanayaan dambiyo dagaal.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Talaadadii ku hanjabay in Ciidamada Mareykanka ay Talaadada soo socota burburin doonaan xarumaha korontada iyo buundooyinka Iran, haddii aysan Tehran dib ugu soo laaban miiska wada hadalka, si loo gaaro heshiis.
Madaxa Wada-xaajoodka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Iran, Mohammad Bagher Ghalibaf ayaa Khamiistii sheegay in dalkiisu aanu diyaar u ahayn in heshiis hal dhinac ah uu la galo Mareykanka, taasoo soo dedejisay duqaymaha uu Mareykanka ku burburinayo buundooyinka iyo xarumaha tamarta ee dalkaasi.
