Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Sabtidan gaaray Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, si ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland u dardargeliyaan dagaalka ay maleeshiyada Al Shabaab kaga saarayaan Gobolada Jubbooyinka.
Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland oo ka ambabaxay Magaalada Kismaayo ayaa waxaa Afmadow ku soo dhaweeyay maamulka degmadaasi iyo dadka deegaanka.
Wafdiga Gudoomiyaha oo ay qayb ka yihiin Wasiirka Amniga Jubbaland, General Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) iyo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland, General Ismaaciil Saxardiid Keydsane ayaa la xiriira, sidii loo xoojin lahaa hawlgalka maleeshiyada Al Shabaab looga xoreynayo Gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.
Wafdiga oo la kulmay masuuliyiinta degmada iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa bogaadiyay hawlgalka dhawaan maleeshiyadaasi lagaga sifeeyay waddada laamiga ee isku xirto Kismaayo iyo Afmadow.
Ciidanka Guutada 11aad, Qaybta 43aad ee Xoogga Dalka, Kumaandooska Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa bishii June bilaabay in ay isku fidiyaan deegaanada hoostaga Afmadow, isla-markaana ku teedsan Degmooyinka Xagar iyo Jilib ee Gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.
Ciidamada ayaa la sheegay in toddobaadyadii u dambeeyay ay ku sii siqayeen deegaanada dhaca xuduudda labada gobol, isla-markaana ay ku sugan yihiin meel u dhow deegaanka Qalaawilaha, oo ah deegaan istiraatiiji ah oo isku xira Afmadow iyo Jilib.
Qalaawilaha ayaa waxaa ka baxa waddooyin taga Degmada Jilib, oo ah xarunta ugu weyn ee ay Al Shabaab maamusho. Sidoo kale Qalaawilaha ayaa muhiim u ah isu socodka Afmadow, Xagar iyo Jilib, iyadoo Degmada Xagar ee Gobolka Jubbada Hoose ay ka mid tahay goobaha ay Shabaabku ka ilaaliyaan amniga Magaalada Bu’aale ee Xarunta Gobolka Jubbada Dhexe.
Shabaabka ayaa daba-yaaqadii bishii June gurmad xoog leh keenay Xagar iyo Qalaawilaha, sababtu tahay hawlgalkan oo ay u arkaan mid xasaasi ah oo halis gelinaya joogitaankooda Gobolka Jubbada Dhexe.
Shabaabka ayaa 19-kii sano ee u dambeeyay gacanta ku hayay gobolkan, waana gobolka keliya ee dalka ee ay ka wada arrimiyaan.
