Iran ayaa ku celisay inaysan ogolaan doonin in xarumaha tamarta gobolka ay shaqeeyaan, haddii uu Mareykanku burburiyo warshadaheeda tamarta.
Taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa ku hanjabay inay bartilmaameedsan doonaan xarumaha batroolka iyo gaaska ee dalalka khaliijka ee xulafada la ah Mareykanka, taas oo looga baaqsan karo inaanan la weerarin warshadaha dowladda dalkaasi.
Taliska ayaa wacad ku maray in Ciidamada Iran ay gubi doonaan warshadaha wax soosaarka batroolka iyo gaaska iyo weliba xarumaha lagu sifeeyo saliidda ceyriin, haddii uu Mareykanku hadaf ka dhigto shidaalka Iran.
Inta badan warshadaha saliidda ee Khaliijka ayaa waxaa maamula, isla-markaana saami ku leh shirkado laga leeyahay Mareykanka.
Taliska Ilaalada Kacaanka Iran ayaa Khaliijka uga digay inay u ogolaadaan Mareykanka in saldhigyada uu ku leeyahay dalalkooda uu u isctimaalo weerarada uu ka gaysanayo dalkaasi.
Ciidamada Iran ayaa Axaddii xiray marin biyoodka Hormuz, haddana haddii ay beegsadaan xarumaha warshadaha saliidda ayaa waxay keeneysaa in dhaqaalaha gobolku uu dhulka galo.
Saraakiisha iyo Madaxda Iran ayaa ka carreysan weerarada uu Mareykanka xalay iyo habeen hore ku qaaday kaabeyaasha rayidka ee dalkaasi sida buundooyinka, waddooyinka tareenada, xarumaha korontada iyo warshad biyaha macaaneysa oo ku taala deegaanka Bonji ee Gobolka Hormozgan.
Mareykanka ayaa Talaadadii go’doomiyay Dekedaha Iran, waxayna Washington sheegtay in dhammaan maraakiibta caalamiga ah ay adeegsan karaan Marinka Hormuz, marka laga reebo kuwa xiriirka la leh Iran.
Digniinta haatan ka soo yeertay Iran ayaa ah mid ay kaga hortaggayaan in Ciidamada Mareykanka ay waxyeeleeyaan warshadaha saliidda ee dalkaasi, haddii kalena la waayi doono dhibic shidaal ah oo laga dhoofiyo Khaliijka iyo Ciraaq.
Iraaniyiinta ayaa ilaalinta warshadahooda saliidda ku xiraya in ciidamadoodu aysan weeraro aargoosi ah ku qaadin warshadaha ugu waaweyn ee tamarta gobolka.