General Mohsen Rezaee oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegay in Ciidamada Iran ay bilaabi doonaan hawlgalo weerar, haddii ay sii socdaan weerarada ay Militariga Mareykanka ka gaysanayaan dalkaasi.
General Mohsen Rezaee ayaa ka digay in Ciidamada Iran ay ka gudbi doonaan heerka militari ee ka hortagga, oo ay u gudbi doonaan heerka weerarka iyo burburinta dhameystiran, haddii aysan joogsan weerarada Mareykanka.
Jananka oo Jimcihii la hadlay Warbaahinta Dowladda Iran ee IRIB ayaa ka dhawaajiyay in Tehran ay bilaabeyso weerar baaxad leh oo aan xad lahayn, haddii duqaymaha Mareykanka ay sii socdaan sida uu yiri laba ama saddex maalmood oo kale.
General Mohsen Rezaee oo sidoo kale La taliye u ah Hoggaamiyaha Ruuxiga Iran, Mojtaba Khamenei ayaa tilmaamay in Iran aysan ku koobnaan doonin falcelin la mid ah kuwii hore, oo uu uga la jeedo inaysan samayn doonin jawaab xaddidan, sida weeraradii aargoosiga ee ay maalmahaan ka gaysanayeen xarumaha iyo saldhigyada uu Mareykanku ku leeyahay dalalka Carabta, gaar ahaan kuwa Khaliijka.
General Rezaee ayaa ku nuux-nuuxsaday in Ciidamada Iran ay qaadi doonaan weeraro ballaaran oo meel kasta ah, isla-markaana aysan badbaadin doonin xuduudaha siyaasadeed, oo ah in ciidamadu ay qaadayaan tallaabooyin ka baxsan xuduudahooda caadiga ah ama goobaha lagu dagaalamayo.
“Iran mar dambe kuma koobnaan doonto tallaabooyin aargoosi ah oo la mid ah falalka lagu sameeyay, mana jiri doonto xuduud siyaasadeed oo ammaan ah.” Ayuu yiri General Rezaee.
Hadalka General Rezaee ayaa laga dhadhansan karaa in dagaalka aan lagu xaddidi doonin goobo cayiman, cidda la beegsanayana aysan meelna ku nabad geli doonin, isla-markaana aysan jirin xuduud dal ama maamul ka hor istaagi kara in lagu weeraro.
Xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeysa Mareykanka iyo Iran ayaa cawaaqib ba’an ku yeelaneysa dalalka Khaliijka qaarkood, iyadoo Bahrain iyo Kuwait ay yihiin kuwa waxyeelada ugu daran kala kulmaya duqaymaha ay Iran kaga jawaabeyso weerarada uu Mareykanku ku hayo dalkaasi.
Xiisadda Iran iyo Mareykanka ayaa si aad ah uga sii dartay, ka dib markii uu burburay heshiiskii xabad joojinta ee labada dal, taasoo horseedday isku dhac ballaaran. Iska horimaadka ayaa si xun u saameeyay amniga gobolka, waxaana sii kordhaya walaaca laga qabo inuu ku fido kaabeyaasha tamarta.