Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa xaqiijiyay in laba ka mid ah ciidamadooda ay ku dhinteen weerar ay Iran Jimcihii ka gaysatay dalkaasi Jordan.
Taliska ayaa caawa sheegay in labada askari ay dhinteen, xilli ciidamada iskaashiga la leh ee ku sugan dalkaasi ay iska difaacayeen weeraro gantaal iyo drone oo Iran ay ku qaadday dalkaasi.
Taliska ayaa sidoo kale sheegay in askari kale uu maqan yahay, halka afar kalena ay soo gaareen dhaawacyo xaaladdooda loogu la cararay isbitaalo ku yaala dalkaasi, ka hor inta aan laga saarin.
“Shaqaale kale oo loo qiimeeyay inay dhaawacyo fudud qabaan ayaa dib ugu laabtay shaqadoodii.” Ayuu Taliska CENTCOM ku sheegay war qoraal ah.
Ciidamada Mareykanka ayaa khasaarahan la kulmay, iyagoo difaacaya saldhig ay kaga sugnaayeen dalkaasi, xilligii uu weerarku dhacayay.
Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) oo qaabilsan hawlgalada militari ee Gobolka Bariga Dhexe ayaan warka ku xusin saldhigga la weeraray.
Labada askari ee dhimashadooda la xaqiijiyay ayaa wadarta guud ee tirada Ciidamada Mareykanka ee la dilay, tan iyo markii uu dagaalka bilowday ka dhigeysa 16 askari.
Dhimashada askartan ayaa imaneysa, xilli ay sii kordheyso xiisadda Mareykanka iyo Iran, iyadoona weerarkani uu qayb ka yahay xaaladaha dagaalka Bariga Dhexe.